Hargeysa(ANN)Wefti uu Hoggaaminayay  Mr. Gayni Vernetti oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Talyaalinaga horena u ahaan jiray Wasiir Ku Xigeenka  arrimaha dibadda ee dalkaasi iyo Wefti uu hoggaaminayay oo ka koobnaa shan xubnood oo isugu jiray Xildhibaano ka tirsan

Baarlamaanka iyo Suxufiyiin, ayaa maanta booqasho ku yimi dalka Somaliland. iyada oo weftigaasi uu xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Socdaalka weftigan ayaa qaadan doona muddo laba cisho ah, waxaanay mudada ay joogaan la kulmayaan Wasiirro, Madaxweynaha Somaliland iyo Goleyaasha Baarlamaanka Wakiilada iyo Guurtida.

Mr. Gayni Vernetti, oo  u waramayay saxaafadda ayaa sheegay in Dawlada Talyaaniga iyo Midowga Yurub ay wali taageersan yihiin dawlada Ku meel gaadhka ah ee dalka Somalia, isla markaana ay ka dhursugayaan inay dalkaasi qalalaasuhu ka jiro ee Somalia wax ka hagaagaan.

“Labaatankii sanadood ee la soo dhaafay waxay Somaliland noqotay qaran dimuqraadi ah, oo Nabadgelyo iyo badbaado ka jirto, oo samaystay doorashooyin dimuqraadi ah iyo madaxweyne La soo doortay, arrinta Somaliland waa mid xaqiiqo iyo waaqac ah, oo aan jecalahay inay bulshadu xidhiidh toos ah la yeelato.

Mr. Gayni Vernetti, oo la weydiiyay in Talyaanigu aanu hore xidhiidh ula lahayn Somaliland socdaalkiisani noqon karo in siyaasaddii dalkiisa wax iska bedeleen, wuxuu sheegay  in wada shaqaynta Somaliland iyo dalkiisu uu bilow fiican u yahay booqashadiisani.

Wasiirka Arrimaha Debeda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in socdaalka weftiga Talyaanigu markhaati cad u yahay isbedelka rayiga caalamka ee ku waajahan Somaliland, kaasoo uu tilmaamay inuu ka dhashay rabitaanka shacabka iyo dedaalka ay kaga midho dhaliyeen hirgelinta hannaanka dimuqraadiyadeed.
Wefdigan oo ah kii u horeeyay ee ka socda dalka Talyaaniga oo Somaliland booqasho ku yimaada inta la xusuusan yahay dhawrkii tobankii sannadood ee u danbeeyay ayaa ujeedada socdaalkooda ku sheegay mid xaqiiqo raadis ah, wuxuuna socdaalkoodu kusoo beegmay xili ay Somaliland jawaab ka bixisay hadalo kasoo yeedhay IGAD oo tibaaxaya inay ka qaybgasho shir la doonayo in loo qabto kooxaha Somalia, maadaama ay gabaabsi tahay mudada dawladda ku meel gaadhka ah ee Somalia.

Hase yeeshee waxa la rumaysan yahay inay muuqato kala qaybsanaan dhinaca beesha caalamka ee qorshaha Somalia iyo marka ay dhamaato mudada dawladda ku meel gaadhka ah, taas oo ay ku kala qaybsan yihiin Maraykanka, qaramada midoobay iyo xulufada Talyaanigu hormoodka u yahay, isla markaana waxa jira tibaaxo iftiiminaya inay Talyaanigu dhabar jebiyeen qorshaha Maraykanka ee Somalia, isla markaana ay ka danbeeyaan muda korodhsiga Baarlamaanka Somalia, iyadoo dawladda talyaanigu dhowaan u balanqaaday raysal wasaaraha Somalia inay taageero buuxda siinay dawladda taagta daran. Sidaa awgeed aanay doonayn in la bedelo, balse loo cusboonaysiiyo mudada.

Sidaa awgeed booqahsda talyaaniga ee dhinaca Somaliand ayaa lala xidhiidhinaya inay qayb ka tahay sidii ay dawladda talyaanigu xog ogaal ugu noqon lahayd xaalada Somalia iyo aragtida Somaliland ee qorshaha Somaliya.  

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist  
Araweelonews Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *