Hargeysa(ANN)Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta u kicitimay dalka Ingiriiska halkaasi oo uu kaga qeyb  galayo shirweyne  beesha caalamku ay ku faaqidayso xaaladda sii murgaysa ee dalka qalalaasuhu ka taagan yahay ee Soomaaliya. Shirkaa oo Somaliland

laga codsaday inay beesha caalamka uga waranto waayo aragnimadeeda la xidhiidha dhinaca nabadda iyo horumarka.

Sidaana  waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, qoraal saxaafadeedkaa oo dhamaystiran ayaa u qornaa  sidan:-
“Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta u kicitimay dalka Ingiriiska, isaga oo ka qaybgalaya shir ay wadaankaa  isugu imanayaan wufuud ka socota bulshada caalamka oo ku saabsan xaaladda sii-murgaysa ee Soomaliya.

Dawladda Somaliland, oo shir weynaha si toos ah loogu casuumay, waxaa laga codsaday inay bulshada caalamka la wadaagto waayo-aragnimada ay u leedahay nabadaynta, qaran dhiska iyo heshiisiinta siyaasadda. Waa markii ugu horaysay ee bulshada caalamku Somaliland siiso fursad ay fagaaro caalami ah kaga hadasho horumarkeeda xagga siyaasadda iyo nabadgelyada, fikirna ka dhiibato arrimaha soomaliya sidii loo furdaamin lahaa.

Sida la ogyahay wakhtigii loogu talo galay maamulka ku meel gaadhka ah ee soomaliya wuxuu ku dhawyahay dhammaad, waxaana dood badani hadda ka taagan tahay wixii laga yeeli lahaa. Beesha caalamka ee ku hawlan arrimaha soomaliya waxay la tashi balaadhan isugu yeedhay masuuliyiin ka socda geeska Africa, Yurub, Maraykanka iyo hay’ado caalami ah oo madaxbanaan, waxaana hormood ka ah wasaaradda Arrimah Dibadda ee dawladda Ingiriiska.
Mawqifka xukuumadda Somaliland ee ku saabsan arrimaha soomaliya, sidii horeba xukuumaddu u cadaysay, waxaa weeye in Somaliland taageersan tahay dadaalka caalamku ugu jiro sidii amniga dib loogu soo celin lahaa soomaliya oo xasilooni darada ka jirtaa ay mar kasta saamayn toos ah ku leedahay nabadgelyada Somaliland. Haseyeeshe Somaliland waa dal xor ah, madaxbanaan, kuna dhaqma nidaamka siyaasadda ee ku dhisan habka dimuqraadiyadda iyo tala wadaagga, waxayna caalamka ka dalbanaysaa aqoonsi siyaasadeed.” ayaa lagu yidhi qoraalka wasaaradda arrimaha debeda Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *