Hargeysa(ANN) Wefti miisaan leh oo ka socda dalka Sweden ayaa maanta booqasho ku yimi Somaliland. Wefdigaa oo ka kooban  Afar xubnood oo Safiiro ah, waxa hoggaaminayay  ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Magaalada hargeysa, isla markaana

 waxay  kulan kula  yeesheen Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Kulankaa  oo Madaxweynhu uga xog waramay wefdiga xaalada dalka iyo taageerada  ay uga baahan yihiin dalka Sweden.
Sida lagu sheegay qoraal kulankaa ka dib kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland booqashada wefdiga ayaa  qaadan doonta muddo laba cisho ah, iyagoo kulamo la yeelan doona masuuliyiinta xukuumada qaarkood, golayaasha Baarlamaanka, axsaabta qaranka iyo Ururada Bulshada. Qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha oo lagu soo koobay waxyaabaha ay wefdiga iyo madaxweynaha Somaliland ka wada hadleen ayaa u qornaa sidan;-
“Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO),  ayaa Maanta Hotel Ambassador kula Kulmay Wefti Balaadhan oo ka Socda Dawlada Sweden.
Weftigan oo ka Koobnaa Afar (4) Safiir oo ay Hoggaaminayso Ambassador Ann Dismorr, waxa uu Madaxweynuhu uga waramay xaalada Guud ee Nabadgelyo, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Somaliland Madaxweynuhu waxa uu Weftigan uga Waramay Taariikhda Dalka iyo Heerarkii uu soo maray Dalku oo dhan.
Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga Mahadnaqay Ujeeddada Socdaalkooda oo ah in ay u kuur galaan Baahida Horu-mar ee uu dalku qabo iyo Kaalinta ay Dawlada Sweden ka geli karto.
Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga xaal waramay halka ay haatan marayso Somaliland, Dadaalka ay la timid iyo Baahida ay u qabto Gacan qabashada Beesha caalamka.
Waxa kale oo uu madaxweynuhu uga waramay Weftiga Xidhiidhka ay Somaliland la leedahay Wadamada Gobolka oo uu sheegay inuu yahay Xidhiidh aad u wanaagsan isla markaana ay Wadamadaa iyo Somaliland Dhinacyo Badan iska kaashadaan oo ay ugu muhiimsan yihiin Adkaynta Nabad gelyada Gobolka iyo Ganacsigu.
Weftigan oo Somaliland ku jooga Booqasho laba maalmood qaadanaysa ayaa Madaxweynaha iyo Somaliland ku Boogadiyey Heerka ay Maanta Joogto Somaliland Hanaanka Dimu-quraadiyada ee sida wanaagsan uga hir-galay, nabad-gelyada iyo dedaalka ay ku xaqiijisay inuu dadku wax qabsan karo waxaanay Sheegeen in ay dawlada Sweden diyaar u tahay in ay Somaliland wax kala qabato dhinacyo badan oo Horu-marka ah sidaa Awgeedna uu Weftigoodu halkan u yimid inuu u kuurgalo Dhinacyada ay Dawladoodu ka caawinkarto Horu-marka Somaliland ka socda.
Weftigu inta ay dalka joogaan waxa ay kulamo la yeelan doonaan Wasaaradaha Maaliyada, Qorshaynta, Khaarajiga, Madaxda Xisbiyada Siyaasada, Baarlamaanka, Ururada Saxaafada Madaxa Baanaan iyo Hay’ado kala Duwan
Dhinaca Somaliland Waxa Madaxweynaha Kulankan ku wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenka JSL, Wasiirada Arrimaha Dibada, Qorshaynta, Warfaafinta iyo Maaliyada iyo Duqa Caasimada
Xubnaha Weftiguna waxay kala Ahaayeen Sidan :-
Ambassador Ann Dismorr Head of the Swedish Mission in Kenya
Ambassador Marika Fahlem Special Envoy for the Horn of Africa
Ambassador Ms. Elisabet Hedin In Charge of Development Cooperation to Somalia
Ambassador Joran Bjallerstedt Special Envoy for to the Somalia process Embassy of Sweden, Nairobi.”
Dhinaca kale, Ammaanka magaalada Hargeysa ayaa saaka aad loo xoojiyay waxaana ciidan aad u badan la dhigay wadada u dhaxaysa Madaxtooyada illaa Madaarka Hargeysa.
Weftigan oo ah kii labaad ee ka soda dalalka Midowga yurub iyadoo todobaadkii horena uu dalka socdaal rasmi ah ku yimid Wasiirka Dawlada Denmark u qaabilsan horumarinta iyo Iskaashiga caalamiga ah Soren Pind.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *