Hargeysa(ANN)Shirkad ay leeyihiin muwaadiniin u dhashay Somaliland ayaa qorshaynaysa inay boqlaal qof uu dhashay Somaliland u diraan Dalka Sucuudiga, halkaas oo shaqooyin ku saabsan xirfadohooda ka bilaabayaan.Sidaana

 

 waxa maanta u xaqiijiyay shebekada warbaahinta ee Araweelonews, Mr, C/naasir Maxamed Cabdule (walan wal) oo ah maamulaha shirkada Al-wasel xafiiskeeda Magaalada Hargeysa. Mr. Cabdinaasir waxa uu saaka barxada xafiiskooda oo ku yaala Magaalada Hargeysa kula hadlay ku dhowaad boqol qof oo ka mid ah dadka doonaya inay u shaqo tagaan dalalka carabta, gaar ahaan Sucuudiga iyo Qadar, kuwaas doonayay sida uu sheegay inay ogaadaan halka ay hawshoodu marayso. Kadib markii ay gudbiyeen macluumaadkii looga baahnaa ee shirkadu ka dalbatay.
“Inbadan ayaa nalagu lahaa waa Jiif oo jaqdii dadka lagu dhacay waxa ay wadaan, maanta waxa timi xaqiiqdii, waxa nalaga fidiyay dacaayado badan, balse kama aanu jawaabin mid keliya, sababtoo ah waxaanu ku kalsoonayn Illaahay. Anagoo og qorshahayaga iyo sida aanu u doonayno inaanu idiin shaqo geyno, waxaana dhowaan baxaya shaqaalihii u horeeyay oo idinka mid ah, kuwaas oo tegaya dalka Sucuudiga.” Sidaa waxa yidhi,    Mr. C/ naasir oo la hadlaya dadkaa waraqahooda hore ugu soo gudbiyay iyo rajada usoo socota.

 


Kulankaa kadib oo shebekada araweelonews weydiisay maamulaha shirkada Al-wasel ee shaqaalaynta ujeedada shirkooda iyo natiijada ay dadka u hayaan  ayaa sheegay inay dafcadii u horaysay ee dadkaa oo gaadhaya ilaa 50 qof baxayaan todobaadyada soo socda, kuwaas oo sida uu sheegay dhowaan u baxaya dalka Sucuudiga, marka ay heshiiska saxeexaan, iyadoo ay dadkaa oo shaqaale ah shirkadoodu ku wareejinay shirkad lagu magcaabo Al-Fahad Company oo laga leeyahay Sucuudiga, taas oo sida uu sheegay ay ka hawlgelyaan marka ay heshiiska saxeexaan.
Mr. Cabdinaasir waxa uu sheegay inay dadka hada loo diyaariyay inay dhowaan baxaan ay kasoo hadheen kala shaandhayntii  ilaa boqol qof oo la mariyay Imtixaan ku saabsan xirfadohooda shaqo, iyadoo 50-ka qof ka kooban yihiin Dareewaliinta Cagafyada, Wiishashka, Makaanigyada iyo Foormaanada, kuwaas oo sida uu sheegay ay hada ogolaatay shirkada Al-Fahad Company ee dalka Sucuudiga, balse waxyaabo yar yari ka hadheen hawshooda.

 


“Ma Jirto cid aanu lacag ka qaadnay, waxayna wada raaci doonaan diyaarad keliya, marka uu qofku heshiiska shirkada oo aan hada gacanta ku hayno saxeexo ee hawshiisa oo dhami dhamaato ayaa laga qaadayaa serfiska shirkadayada oo ah wax qadar yar ah. Laakiin inta ka horaysa ma jirto wax la weydiinayaa ayuu yidhi, Mr. Cabdi naasir.
“Dadkani waxay u haysteen hawshan markii aanu bilaabaynay mid riyo ah, halka kuwo kalena lahaayeen waa mashruuc dadka lagu dhacayo. Laakiin maanta xaqiiqdii ayaa timi oo waanu u samirnay, waxaana jawaab ka sugaynaa bolaal qof oo kale oo shaqooyin aanu uga dalbanay dalka Qadar, balse   hada waxa aanu haynaa ogolaanshaha shirkadaa Sucuudiga ah oo dadkii ugu horeeyay naga aqbashay. Mana ay ogayn dadkani inay shirakadayadu tahay mid ka diiwaan gashan dalka sharci ah.” Ayuu yidhi Cabdi Naasir. Walan wal.
  Wuxuuna intaa ku daray inay mudo   laba bilood ah soo wadeen hawsha xafiiska shaqada iyo shaqaalaynta ee Alwasel, balse ay hada hawshoodu si toos ah u bilaabmay, taas oo sida uu sheegay dacaayadihii lagu furay ee ay iska dhega tirayeen jawaab u noqonaynsa, isla markaana ay muwaadiniinta Somaliland ee shaqo la’aantu haysaa ka faa’idaysanayaan fursadaa shaqo ee shaqooyinka looga helay dalalka carabta. 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *