Boosaaso(ANN)Maamulka Puntland ayaa maanta Dil Toogasho ah ku fuliyay Laba Nin oo dhalinayaro ah, kuwaas  maanta lagu toogtay  duleedka Magaaladda Boosaaso. Kadib markii Maxkadd loo sameeyay dadka denbiyada culus gala ay ku xukuntay in labadaa Nin oo kasoo jeeda

 deegaamada Malayshiyada Wadaadka Sh.Maxamed Siciid Attam ee dagaalka kula jira maamulka Puntland  ee Buuralayda Gal-gala Iyo Malayshiyada SSC lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin kooxdaa Attam oo ay ka barbar dagaalamayeen.
Sidaana waxa shebekada warbaahinta ee Araweelonews u xaqijayay dad ku sugan Magaalada Boosaaso oo la socday dhacdadaa. Labada Wiil ee Dhalinyarada ah ee maanta Ciidamada Puntland ku fuliyeen toogashada   Magaaladda Boosaaso ayaa magacyadooda lagu sheegay  Siciid Cismaan Siciid (Sudeysi), oo31 jir ahaa iyo Axmed Faarax Daarood (Muxsin) oo 22 jir ahaa. Maxakamadda  ayaa Labadaa Nin mid ka mida ku tilmaantay  inuu kasoo jeedo Deegaanka  Laascaanood, isla markaana uu ka tirsan yahay kooxda SSC, halka ay ka kalena ku  sheegtay  inuu  kasoo jeedo  Deegaanka Gal-gala ee fadhiisinka u ah wadaadka Sh. Maxamed Siciid Atta moo dagaal kula jira maamulka Puntland, iyadoo lagu eedeeyay inay ka mid yihiin malayshiyadiisa, balse warar kale ayaa sheegaya inay labada Nin ee la toogtay kasoo jeedeen deegaanka Gal-gala. Sidaa awgeed aanay waxba ka jirin in mid ka mid  ahi kasoo jeedo deegaanka Sool.
Sidoo kale waxa jira warar sheegaya in Maxkamaddu ku riday xukunka Labadaa Nin oo aan loo   qaban wax qareeno ah  oo ka difaaca waxyaabaha lagu eedaynayay, taas oo aan waafaqsanayn qaanuunka caalamiga ah ee aduunka, isla markaana waxa jira warar kale oo sheegaya in la fuliyay dilkaa toogashada ah wax yar ka dib markii uu dhacay xukunka maxakamaddu. Dadka kasoo jeeda deegaanka Gal-gala ayaa aad uga xumaaday qaabka loo fuliyay xukunkaa, waxayna ku tilmaameen mid aan waafaqsanayn shareecada Islaamka iyo shuruucda caalamiga ah.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *