Hargeysa(ANN)Wefti ka socday Qaadhaan bixiyeyaasha Somaliland ka taageera dhinaca dhaqaalaha doorashooyinka oo ay weheliyaan  xubno ka socday  Ha’yadda u qaabilsan dhinaca farsamooyinka ee Interpeace ayaa shalay xarunta dhexe ee Komishanka Doorashooyinka ka bilaabay hawlo

qiimayn iyo xog raadin ah oo la xidhiidha sidii ay u qabsoontay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-kii Bishii June ee sannadkii hore iyo sida looga faa’iidaystay waayo aragnimadii laga helay afartii doorasho ee hore uga qabsoomay Somaliland.
Kooxda Weftiga qaadhaan bixiyeyaasha caalamiga ah oo ay weheliyeen saraakiil ka socday Ha’yada Interpeace, waxa hoggaaminayay Agaasime Goboleedka Ha’yadda Interpeace Jerry Mcann iyo C/Raxmaan Raage oo ka tirsan masuuliyiinta Ha’yaddaa u fadhiya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xubnaha Weftiga ayaa  shalay xarunta Komishanka Doorashooyinka kula kulmay  Xubnaha  Guddida doorashooyinka qaranka iyo qaar ka mid ah  hawlwadeenka Komishanka.
Warar la xidhiidha socdaalka wefdigaa oo xog  ogaal u ah waxyaabaha ay u socdeen  ayaa sheegaya inay ujeedada booqashadoodu  ahayd  sidii  qiimeeyn loogu samayn lahaa  inay Somaliland ka faa’iidaysatay waayo aragnimadii doorashooyinkii hore si mustaqbalka looga maarmo farsamo yaqaanadii shisheeye ee dibada laga keeni jiray.
Warku wuxuu intaas ku darayaa inay la kulmi doonaan daneeyeyaasha doorashada sadexda xisbi qaran. Ha’yada Interpeace ee la soo marin jiray dhaqaalihii lagu qabtay doorashadii madaxtooyada ayaan soo saarin xadiga dhaqaale ee ku baxay doorashadii.

Socdaalka Weftigan ayaa ku soo beegmay xili  Xisbiga  mucaaridka ah ee UDUB ay dhaliilayaan diiwaan gelintii codbixiyeyaasha ee lagu galay doorashadii Madaxtooyada oo ay ku tilmaameen mid mugdi ku jiray oo aan doorashooyinka dambe lagu geli Karin, isla markaana waxa maalmihii lasoo dhaafay lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Hargeysa dood wax layska weydiinayo doorashooyinka kusoo fool leh Somaliland iyo waxa laga yeelayo furashada ururo siyaasadeed.

Araweelonews Mobile Somaliland Office
E; Mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *