Hargeysa(ANN)Dafcaddii labaad ee shaqaalaha dawladda ayaa maanta u fadhiistay imtixaanka qiimaynta ah, iyadoo ay  kooxdani ka koobnayd shaqaalaha   saddex wasaaraddood oo ka mid ah Hay’addaha dawladda Somaliland. Goobta imtixaanka lagu qaaday oo ahayd hoolka

 

Hay’adda Shaqaalaha,
waxa ka hor intii aan shaqaalaha loo qaybin waraaqaha imtixaanka, waxa ka qaybgalayaasha hortooda  dhaar lagu mariyay guddida  soo diyaarisay imtixaanka, kuwaas  oo gacanta loo saaray Kitaabka Qur’aanka kariimka ah.
Kooxda la dhaariyay ayaa diyaarinta ka sokow noqonaya  kuwa  saxaysa imtixaanka sidoo kale waxa la dhaariyay oo ka qaybgalayaasha hortooda lagu dhaariyay masuuliyiinta saddexda wasaaraddood ee shaqaaluhu ka kala socdeen si loogu qanco inuu  imtixaanku yahay mid caddaalad ku salaysan oo aanay eex iyo tuhun midna u iman.

Shaqaalaha ka socday wasaaraddahaa ee u fadhiistay imtixaanka ayaa  tiradoodu dhamayd  109 qof oo ka kala socday  Wasaaraddaha Caddaaladda iyo Garsoorka, Qorshaynta iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kuwaas oo si wadajir ah ugu  fadhiistay imtixaanka Hay’adda Shaqaaluhu ka qaadayso shaqaalaha dawladda.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil oo hadal kooban ka jeediyey halkaa. Ka hor intii aan la guda gelin imtixaanka, ayaa sheegay in imtixaankani yahay mid siyaasad dawladeed ah oo la doonayo in lagu kala qiimeeyo shaqaalaha dawladda, si inta heerkooda aqooneed hooseeyo loo siiyo tababar bilaash ah.
Wuxuuna ku  tilmaamay imtixaanka inuu yahay mid  ku salaysan nidaam caddaaladeed oo ay ka taxadireen diyaarintiisa iyo sixidiisaba.

“Dhaartani waxay ka dhigan tahay si la idiin tuso in imtixaankani yahay mid caddaalad, innaga dhaqankeena dhaarta kitaabka Qur’aanka ah waxa lagaga tagaa nin boqole ah. Waanuna idiin ducaynaynaa in imtixaankan Ilaahay idiin fududeeyo, imtixaanka waxaannu ku dabaqnay qof waliba wixii uu ka shaqaynayey, waxaannuna ku rajoweynaha in dhammaantiin aad baastaan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaaluhu.

Guddoomiyuhu waxa uu xusay in imtixaankani yahay mid aan habayaraatee shaqo ku lahayn siyaasad iyo qabyaalad toona, isagoo xisbiyada qaranka u soo jeediyey in aanay siyaasadayn imtixaanka shaqaalaha dawladda laga qaadayo.

Wuxuuna  ku dooday in hay’adoodu ka masuul tahay shaqaalaha qaranka oo aanay yeelayn in caddaalad-darro ku dhacdo, balse ay xuquuqdooda iyo sharaftooda u ilaalinayso. Sidaa awgeed loo baahan yahay in aan la siyaasadayn oo borobagaando laga samayn.
Dhowaan ayay ahayd markii shaqaalaha wasaaradda maaliyadda laga qaaday imtixaan, kaas oo ay u fadhiisteen ku dhowaad laba boqol oo shaqaale ah, balse ay ka gudbeen in ka yar kala badh, taas oo ay ka dhasheen cabashooyin. Kadib markii shaqaalaha ku guuldaraystay imtixaanku ku doodeen in shaqooyinkoodii laga erayay, balse waxa taas waxba kama jiraan ka dhigay masuuliyiinta sare ee dawladda iyo guddoomiyaha Ha’yadda shaqaalaha oo sheegay in aan shaqaalaha dhacay la eryayn ee lagu samaynayo dib habayn aqoontooda kor loogu qaadayo, iyadoo la siinayo koorsooyin bilaash ah, taas oo ay sheegeen inay tahay siyaasada Xukuumadda ee Kulmiye hore u balan qaaday  si loo helo shaqaale tayo leh, isla markaana ay meesha uga baxaan tirooyinka shaqaale ee caaglayaasha ah.  
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *