Golaha Ammaanka ee Qaramada MidoobayHargeysa(ANN)Weftigii ugu  balaadhanaa ee ka socda xukuumadda Somaliland iyo Golaha Wakiilada oo markii u horaysay taariikhda kulan la yeelanaya golaha amaanka ee Qaramada Midoobay oo booqasho ku maraya Afar wadan oo bariga Afrika ah. Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland

 

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo hogaaminaya wefdiga ayaa saaka u kicitimay dalka Kenya, halkaas  oo sida ay sheegeen kulan gaar ah kula  yeelan doonaan Guddida  Qaramada midoobay u qaabilsan Ammaanka iyo Nabadgelyada.
Weftigaa oo ay xubno ka yihiin  Wasiirka Gaashaan-dhiga Axmed X. Cali Cadami, Wasiirka Macdanta iyo biyaha Dr.  Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac iyo Guddoomiyaha Guddi hoosaadka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Wakiilada Xuseen Maxamed Cigge.
Wasiirka Arrimaha dibada oo ka hor intii aanu dalka ka dhoofin saxaafada ugu waramayay qolka nasashada ee madaarka Hargeysa ayaa tafaasiil ka bixiyay ujeedada shirkaa, waxaanu  isagoo ka hadlaya yidhi,  “Weftigan balaadhan ee ka socda xukuumadda iyo baarlamaanka waxaanu u baxaynaa dalka Kenya caasimadiisa Nairobi, halkaas oo aanu kaga qeyb galayno shir ay qaban qaabisay Golaha Ammaanka ee qaramada midoobay Somaliland-na lagu soo casuumay. Waxaana Somaliland shirkaasi loogu casuumay si toos ah waana fadhi khaas u ah Golaha Ammaanka iyo Somaliland. Way jiraan shirar kale oo Golaha Ammaanku la yeelanayo Soomaaliya.”
Wasiirka oo ka hadlayay waxa fadhigan ay la yeelanayaan guddi ka socda qaramada midoobay lagaga hadlayo waxaanu yidhi “Fadhigan waxaanu kaga hadli doonaa qadiyada Somaliland, waxaanu uga warami doonaa inay Somaliland tahay dal nabadgelyo ah oo dimuqraadi ah oo xoriyadiisu madax banaanidiisu taam tahay oo ah dal adduunka ka doonaya inuu ka helo ictiraaf iyo aqoonsi buuxa. Golaha ammaankuna waa Ha’yada ugu sareysa ha’yadaha dunida ka jira ee caalamku wada leeyahay. Shirkani wuxuu inoo yahay sharaf waayo waa markii u horaysay ee tan iyo intii ay Somaliland jirtay ay xukuumadda Somaliland ay si toos ah oo fool ka fool ah ula fadhiisato jimciyada quruumaha ka dhaxaysa Golaheeda ammaanka oo ay u gudbiso qadiyada, dareenka iyo himilada shacabka reer Somaliland.”
“Anagoo tix gelinayna muhiimad ay leedahay fursadaasi waxay Somaliland ku faraxsan tahay inay ka qeyb gasho fadhigaasi gaarka u ah Somaliland iyo Golaha ammaanka,”ayuu yidhi Md. Cabdilaahi Maxamed Cumar.
Wasiirka oo la weydiiyay waxa ka soo baxay dhoolatuskii shacbiga Somaliland ku muujiyeen sanad guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax banaanida Somaliland isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “farriintaasi farriin adag ayay ahayd, jawaabo arrintaasi ku saabsana way soo gaadheen xukuumadda Somaliland.waxaanu aaminsan nahay in dawlado faro badani ay dhawaan aqoonsan doonaan Somaliland.
Waxaynu ka war haynaa in maalin dhawayd Wasiir Ku Xigeenka dawlada Kenya uu ka hadlay aqoonsiga Somaliland, dawlado kale oo iyaguna ka hadli doonaa way jiraan.”
Dhinaca kale Golaha Ammaanka oo maraya Khartoum, Jubba, Addis Ababa iyo Nairobi ayaa berri waxaa uu la kulmayaa madaxda Soomaalida ee TFG oo  u kala qaybsan xukuumad iyo baarlamaan, kuwaas oo khilaaf u dhexeeyo. Sidoo kale waxay kulan la yeelan doonaan  maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug iyada oo qodobka ugu weyni uu yahay ka kala qeybiyay Madaxda Soomaalida ee ku saabsan waxa laga yeelayo marka xilliga ku meel gaardhka ee xukuumadda taagta darani dhammaado bisha August ee soo socota.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar, ayaa BBC u sheegay in ka qeyb galka kulankan aan micnihiisu ahayn in Somaliland ay wax iska beddeleen mowqifkeeda ku saabsan madaxbannaanida. Iyadoo si gaara loogu casuumay Somaliland  oo ay iyaguna la kulmi doonaan golaha Ammaanka ee QM, taas oo noqoneysa markii ugu horreysay ee ay Somaliland la kulanto Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *