Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shacbiweynaha Somaliland gudo iyo dibadba uga mahad celiyay sidii Nabadgelyada ahayd ee ay beesha caalamka ugu soo bandhigeen munaasibadii dabaal dega labaatan guurada ka soo wareegtay dib ula soo

noqoshadii madax banaanida Somaliland ee 18-kii May. Dhoolatuskaasi oo muujinayay siday shacbigu ugu ad-adag yihiin qaranimadooda.
Madaxweynuhu wuxuu sidaa  ku sheegay war saxaafadeed xalay ka soo baxay xarunta Madaxtooyada, kaas  oo u dhignaa sidan:-“Waxaanu Madaxweynuhu dhambaalkiisa ku yidhi :-
Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Dhamaan shacbiga reer Somaliland mid yar iyo mid weynba, mid maqan iyo mid joogaba waxaan u dirayaa mahad-naq iyo Boogaadin balaadhan sidii weynayd ee maamuuska iyo midnimada lahayd ee ay uga qayb qaateen una muujiyeen xuskii sannad guurada 20-aad ee 18-May, oo ah maalin inagu wayn.
Waxa aan mar kale idiinka mahad-naqayaa isu soo baxyadii aad ka dhigteen daafaha dunida iyo dalka gudihiisaba, sidoo kale waxa aan mahad-naq balaadhan u dirayaa Ciidamada Qaranka iyo Ciidamada Amniga Somaliland oo door-weyn ka qaatay sugida Amniga iyo nabad-gelyada dalka.
Waxaa iyana xusid mudan Saxaafadda oo ah mid u guntatay sidii ay caalamka ugu gudbin lahaayeen qadiyada gooni isu taaga Jamhuuriyadda Somaliland.
Ugu dambayn, waxaan mar kale idiinka mahad-naqayaa sidii wanaagsanayd ee nabad-gelyada lahayd ee aynu caalamka ugu ban-dhignay sida aynu ugu adagnahay gooni isu taaga Somaliland.”
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *