Mubarak

Qahira(ANN) Masuuliyiinta dawladda Milateriga ee Masar ayaa  si cad u sheegay in haatan la gaadhay waqtigii  madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarik iyo wiilashiisa la soo taagi doono maxkamad. Kadib markii lasoo gebagebeeyay baadhitaan dacwad oogayaasha kiiskiisa gacanta ku hayaa wadeen

 

dhwrkii i bilood ee u danbeeyay.
Madaxweynihii hore ee Masar Waxaa loo haystaa denbiyo musuq-maasuq iyo denbiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha, iyadoo denbiyada xad gudubyada lagu eedaynayo ay ka mid yihiin qaybtii ay ka qaateen isaga iyo labadiisa wiil  dilkii loo gaystay dadkii samaynayay mudaaharaadyadii lagu riday madaxweyne Xusni Mubaarik Xukunka horaantii February 2011.
Sidoo kale waxaa eedaymaha loo haysto ee maxkamadda  lagu saari doono ka mid ah musuq maasuq ay sameeyeen isaga iyo qoyskiisu mudadii 30-ka sannadood ee ay xukumayeen Masar, iyadoo dhinaca kalena waxyaabaha lagu eedaynayo ee Maxkamadda lagu hor geynayo ay ka mid yihiin eedaymaha  Hay’ addaha xuquuqda Aadamaha  oo sheegaya in boqolaal qof ay dhinteen markii ay ka socdeen dalka Masar  mudaaharaadyadu horaantii sannadkan.
Madaxweynihii hore ee Masar  Mr. Mubaarik oo dadiisa lagu sheegay 83 jir, ayaa hada ku xidhan cusbitaal  ku yaala magaalada lagu raaxaysto ee Sharm El -Sheikh. Halka Labadiisa wiil Gamal iyo Allaa ay  ku xidhan yihiin xabsi ku yaala magaalada  Qaahira.
Dowladda Matariga ee Masar ayaa  dhawaaqeedan maxkamadda lagu taagayo Mubaarik iyo wiilashiisa lagu tilmaamay  inay kaga  jawaabayso waxa  shacbiga mudaharaadyada xukunka kaga tuuray bilihii lasoo dhaafay dalbanayeen oo ahayd in maxkamad la soo taako Mubaarak.
Mr. Mubaarik ayaa xukunka lagaga tuuray mudaharaadyo xidhiidhsan oo dalkaa ka socday todobaadyo, taas oo khasab kaga dhigtay inuu xukunka ka dego oo talada dalka ku wareejiyo golaha Milateriga dalkaa 11 February 2011. Iyadoo markaa ka dib loola cararay cusbitaal debeda ah. Kadib markii ay halis gashay xaaladiisa caafimaad. Mubaarik ayaa ka murugooday eedaymaha iyo dacwadaha lagu soo oogay, wuxuuna sheegay in aanu samayn wax musuq-maasuq ah mudadii sodonka sannadood ahayd ee uu ka talinayay dalka Masar. L aakiin dacwad oogayaasha ayaan dhegeysan hadalka murugada xanbaarsan ee hogaamiyohoodii hore, kaas oo waqtiyada qaar ahaa geesiga Masar maanta noqday maxbuus loo haysto musuqmaasuq iyo denbiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *