Hargeysa(ANN)Wefti   ka kooban labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiilada) oo uu Hoggaaminayo  Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland  Baashe Maxamed Faarax, oo Socdaal ku maraya dalka  Botswana ee

Koonfurta Afrika ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Xeer beegtida ee Baarlamaanka dalkaasi NLTO oo la yidhaahdo Dr. Ya Dikgosi.

Weftiga baarlamaanka somaliland iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Botswana waxay ka wada hadleen sidii ay labada Baarlamaan ee Somaliland iyo Bostwana ay iskaashi iyo wada shaqayn u yeelan lahaayeen iskuna dhaafsan lahaayeen wixii macluumaad ah ee la xidhiidha shaqada Goleyaasha Baarlamaanka. Waxaanay labada dhinac isku afgarteen inay sii xoojiyaan xidhiidkooda.

Waxa kale oo weftigani la kulmi doonaan mudada ay socdaalka ku joogaan dalkaasi sadexda Guddi hoosaad ee baarlamaanka Bostwana.

Guddoomiye Ku Xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladdu waxa kale oo ay  kulmeen xisbiyada siyaasada ee dalka Botswana oo ay uga warameen Marxaladihii ay Somaliland soo martay, Nabadeyntii, dhismihii Ha’yada dawliga ah iyo  afartii doorasho ee ka  dhacay dalka.

Weftigaasi waxa uu ka kooban yahay toban xubnood oo ka kala socday Goleyaasha Baaralmaanka ee Wakiilada iyo Guurtida.waxaanay dalkaasi joogi doonaan illaa 26-ka Bishan March.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *