Hargeysa(ANN)“Jaamacadda codsiyadeeda aad ayaanu u maqlaynaa, dawladdan cusubina waxay ku balan qaadnay in aanu wax weyn ka qabano tagayada wax barashada tacliinta sare waxaana dhawaan la soo saari doonaa oo la magacaabi doonaa guddidii waxbarashada tacliinta sare.”  Sidaa

waxa yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Ismaaciil Saylici oo ka hadlayay maanta munaasibad qalab casri oo sheybaadh(Laab) ah oo lagu soo kordhiyay Jaamacadda Hargeysa loo qabtay.
Qalabkaa oo ay ugu deeqday Jaamacadda hargeysa   shirkada Isgaadhsiinta ee Nation links,  isaga oo hadalkiisa sii watayna wuxuu yidhi “Waxaan leeyahay yaan nala dhaliilin maadaama oo aanu sannadkii ugu horeeyay ku jirno oo aanu dhaxalnay duruufo dhaqaale. Miisaaniyadda wasaaradda waxbarashadu waxay hore uga hayd miisaaniyaddii hore 3 %, haddana waxaanu ka dhignay 8%. Taasi waa tallaabo hore loo qaaday. Sannadaha dambena waxaanu rajaynaynaa in kor looga sii qaado.”
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil (Saylici), waxa uu sheegay in aan horumarka maalin keliya lagu gaadhi Karin, isagoo tusaale usoo qaatay in aan Buurta maalin la wada qaadi karayn, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Maahmaah baa ahayd buurta maalin lama qaadi karo, laakiin buurta waa la qaadi karaa haddii maalinba in la qaado. Isku tashiga ummada reer Somaliland waa ka keenay in jaamacadahan maanta dalka ka furan oo markii la furayay ay dadka intooda badani u arkayeen in aanay suuro gelayn.  Dadkeenu waxay hore u soo arkeen uun jaamacado wax waliba u dhan yihiin, wayse la yaabanaayeen dugsiyaddii sare ee Camuud iyo Hargaysa ayaa jaamacaddo laga dhigayaa, intii yarayd ee u dhabar adaygtay waa inagaa arkayna inta jaamacado ee maanta Somaliland ka furan.”
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu sheegay in Laabkani uu wax weyn ka tarayo horumarinta waxbarashada jaamacadda Hargaysa, “Jaamacaadduhu waa hoyga waxbarashada ee laga soo qaato cilmi baadhisyada iyo daraasada, sida aad la socotaan waxaa la hirgeliyay oo dawladdu dhaqaajisay hay’addii tayada agabka (quality control), hayddaasi waxay baadhi doontaa agabka, cuntada iyo dawada dalka soo gasha. Hay’adani waxay u baahan tahay meelo ay daraasado ay ka qaadato, waanan u mahad celinayaa shirkadan shaybaadhka keentay jaamacadda Hargaysa.”
Munaasibadaa waxa kale oo ka hadlay Guddoomiye Ku Xigeenka Shirkada Nation-link Mahad Xaashi Jaamac, oo  sheegay inay ku faraxsan yihiin inay Jamaacada Hargeysa ku wareejiyaan  Laabkii iyo Dhismihii la dhigayay oo ay ka dhex dhiseen xarunta Jaamacada waxaanu yidhi “Sharaf weyn ayay noo tahay maanta inaanu laabkii iyo dhismihii oo dhamaystiranba ku wareejino Jaamacadda Hargeysa,iyadoo uu goob joog ka yahay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, laabkani wuxuu  waxtar u yahay ardayda qeybta Sayniska.”
Mr. Mahdi Xaashi oo ka hadlayay qiimaha qalabka ay ku wareejiyeen Jaamacadda ku kacay lacag dhan  $ 45, 000 kun oo  Dollar.
Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Prof. Muuse Cabdi Cilmi oo hadal kooban isaguna munaasibadaa ka jeediyay ayaa u mahad celiyay shirkada Nation-link ee ugu deeqday Jaamacadda shaybaadhkaa. Waxaanu sheegay inay baahi weyn u qabeen shaybaadhka. Sidaa awgeed loo baahanyahay in horumarka dalka laga wada qayb qaato.
Araweelonews  Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *