Hargeysa(ANN)Wefti ka kooban labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiilada) oo uu Hoggaaminayo Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, oo Socdaal ku maraya dalka Botswana ee
Koonfurta Afrika ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Xeer beegtida ee Baarlamaanka dalkaasi NLTO oo la yidhaahdo Dr. Ya Dikgosi.Weftiga baarlamaanka somaliland iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Botswana waxay ka wada hadleen sidii ay labada Baarlamaan ee Somaliland iyo Bostwana ay iskaashi iyo wada shaqayn u yeelan lahaayeen iskuna dhaafsan lahaayeen wixii macluumaad ah ee la xidhiidha shaqada Goleyaasha Baarlamaanka. Waxaanay labada dhinac isku afgarteen inay sii xoojiyaan xidhiidkooda.
Waxa kale oo weftigani la kulmi doonaan mudada ay socdaalka ku joogaan dalkaasi sadexda Guddi hoosaad ee baarlamaanka Bostwana.
Guddoomiye Ku Xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladdu waxa kale oo ay kulmeen xisbiyada siyaasada ee dalka Botswana oo ay uga warameen Marxaladihii ay Somaliland soo martay, Nabadeyntii, dhismihii Ha’yada dawliga ah iyo afartii doorasho ee ka dhacay dalka.
Weftigaasi waxa uu ka kooban yahay toban xubnood oo ka kala socday Goleyaasha Baaralmaanka ee Wakiilada iyo Guurtida.waxaanay dalkaasi joogi doonaan illaa 26-ka Bishan March.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com