Muqdisho(Araweelo News Network)Magaalada Boosaaso ee xarunta u ah Maamul goboleedka Somalia ee Puntland, ayaa xalay lagu miray weeraro. Kadib markii maleeshiyo la tuhunsan yahay inay

 

ka tirsan yihiin al-shabab weerar ku qaadeen xabsiga dhexe ee Boosaaso oo ay ku xidhan yihiin tobannaan qof oo ay ku jiraan kuwo lala xidhiidhinayo inay xubno ka yihiin Ururka  Al-shabab.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxda weerarka ku qaaday Xabsiga adeegsanayeen hub culus, isla markaana dagaal weyni dhexmaray iyaga iyo ilaalada xabsiga.

Masuuliyiinta Puntland ayaan wax war ah kasoo saarin weerarkaa iyo khasaaraha ka dhashay, balse warar hordhaca ayaa sheegaya in ugu yaraan ay ku dhinteen 5 qof oo uu ku jiro sarkaal ka tirsan booliiska.

Sidoo kale qaraxyo iyo weeraro ayaa xalay ka dhacay Huteelka Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho oo inta badan ay degan yihiin siyaasiyiinta iyo madaxda dawlada, waxaana ku dhintay  ugu yaraan 8 qof, iyadoo aan si rasmi ah loo ogayn khasaaraha dhabta ah.
Qaraxya oo la sheegayo in ay ahaayeen Laba qarax, waxay dad meelahaa ka dhow sheegeen in  ay ka dhaceen gudaha iyo bannaanka hore ee hotel Makka al-Mukarama oo ku yaal badhtamaha magaalada Muqdisho.

Qaraxa koowaad ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay gudaha Hotel-ka, si rasmi ah looma  oga nooca uu ahaa qaraxaasi, waxaase jira warar sheegaya in la qabtay qof doonayay inuu isqarxiyo. Inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in qofkaasi la qabtay ka hor intii aanu qarxin “Laptop ama Ipad” uu watay.

Dad u dhow goobta ayaa sheegay in Nin dhalinayaro oo la rumaysanyahay inuu ahaa qofka la qabtay ee doonayay inuu is qarxiyo qiiq ka baxay qalabka uu sitay. Qaraxa labaad ayaa ka dhacay bannaanka hore ee ganjeelka Hotel-ka, kaas oo ahaa baabuur, iyadoo qaraxaasi sida wararku sheegayan geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa canbaareeyay qaraxyad ka dhacay Hotel Makka al-Makurama, mana jirto cid sheegatay ilaa hada qaraxyadaa.

Dhinaca Magaalada Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa saaka ku waaberiistay jawi ka duwan kii ay ku seexdeen xalay, waxaana saaka lixdii subaxnimo wadooyinka lasoo dhoobay ciidamada Booliska oo baadhitaan ku bilaabay gaadiidka.
Ma jiro wax war ah oo xukuumadda Somaliland iyo Hay’addaha amaanku kasoo saareen xaalada is bedeshay saaka ee dadweynaha Hargeysa ku waaberiisteen, balse saraakiil ka tirsan Hay’addaha amaanka u sheegay shebekaddaha wararka  ee Araweelonews,com iyo Arraweelo.com in baadhitaanku la xidhiidho hawlaha amaanka.

Hase yeeshee baadhitaanada gaadiidka ayaa durba saxmad ka dhigay suuqa, iyadoo aan weli dadku usoo bixin suuqa, maadaama dadka intooda badan suuqa usoo baxaan barqada iyo wixii ka danbeeyay, waxaana la filayaa in baadhitaanku si weyn maanta cidhiidhi uga dhigo suuqa, isla markaana dad badan waqti kaga lumo si ay danohooda iyo hawlihii ay usoo kalaheen qabsadaan.
Wixii kasoo kordha kala soco shebekaddaha Araweelonews.com iyo arraweelo.com
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *