http://arraweelo.com/wp-content/uploads/2013/04/bre1.gifMaqrib(Araweelo News Network) Al-Qaaciddada ka dagaalanta Maqrib ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay khaarajiyeen  laba weriye oo u dhashay dalka Faransiiska oo mudo Afduub loo haystay.

 

Sidaana waxa lagu faafiyay mid ka mid ah boggag ay kooxda Al-qaidad maqrib ku leedahay Internetka oo lagu magcaabo  maqribul islaami.

Bayaank  ayaa lagu faahfaahiyay qaabkii uu u dhacay howlgal Afduub iyo iqtiyaal ahaa oo ay dhawaan ka sameeyeen Al-qaida  magaalada Gawa ee waqooyiga wadanka Maali.

Hoggaanka mujaahidiinta Al-Qqaacidda waxay sheegeen in ciidankooda gaarka ah ay fuliyeen howlgalka lagu dilay labada wariye oo u dhashay faransiiska xilli ay howllo shaqo u joogeen duleedka  magaalada Gaawah, waxayna magacyada labada saxafi ku sheegeen Kiristiyaan Diiboon iyo Koold Fiirloon, kuwaas oo ay sheegeen in dilkoodu uu jawaab u yahay duulaanka gardarada ah ee Faransiisku ku qaadeen wadanka Maali.

“Waa waxyar oo kamid ah jawaab celinta dambiyada ay cadawga saliibiga faransiiska u geysteen muslimiinta Maali,annaga ayaa mas’uul ka aheyn howlgal lagu dilay saxafiyiin faransiis ah oo ka dhacay Gaawa”ayaa lagu yidhi bayaanka al-qaacidda kasoo baxay oo sidoo kale lagu dabacay  shabakadda saxraa Media ee laga leeyahay dalka Muritania.

Dhinaca kale Looran Faabiyoos oo ah wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska ayaa dilka saxafiyiinta u shaqeynayay FRI ku tilmaamay faldambiyeed argagax leh oo ka baxasan bini aadanimada.

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *