Hargeysa(Araweelonews Network) Gudoomiye xigeenka Xisbiga Kumiye Muj. Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka badbaaday weerar hubaysan. Kadib markii

 

maanta koox hubaysan kusoo weerareen Huteelka Like Asal oo ku yaal dhinaca woqooyi galbeed ee xaafada shacabka ee magaalada Hargeysa.

Kooxda oo ka koobnayd sadex nin oo mid ka mid ah lagu magcaabo Khaalid C/llaahi Fallaago ayaa ku hubaysnaa qori cadha-laab ah, kuwaas oo sida ay sheegayaan  dad goob joog ah isku deyay in ay Muj. Maxamed Kaahin ku furan baas, balse sida sheegayaan qaar ka mid ah dadkii goobta ka dhowaa waxa kadibtay rasaastii , waxaana jira warar sheegaya in  mid ka mid ah sadexda nin gacanta ku dhigayeen  dadkii ay wada joogeen Muj. Maxamed Kaahin.

Hase yeeshee sida ay wararku sheegayaan laba ka mid ah raggaa ayaa baxsaday markii falkaasi dhacay, kuwaas oo ay wararka qaar sheegayaan in ciidamada Boolisku raadinayaan. Muj. Maxamed Kaahin oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno ayaanay noo suurta gelin, isla markaana Xukuumadda Somaliland ayaan ka hadlin falka weerarka lagu qaaday Muj. Maxamed Kaahin.

Ilaa hada si cad loo ogga  ujeedada ka danbaysa weerarka lagu qaaday Muj. Maxamed Kaahin oo magac weyn ku leh Bulshada  Somaliland, isla markaana ka mid ahaa Afartii sarkaal ee ugu horeeyay  ee aasaasay garabkii Milateri ee xoogagii Ururkii SNM ee xoreeyay Somaliland.

Hase yeeshee weerarka ayaa kusoo beegmay xili uu loolan siyaasadeed oo xooggani u dhexeeyay Wadaadada awooda badan ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee uu hogaamiyo Wasiirka Maaliyadda C/casiis Samaale iyo Kornaylada hogaamiya Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin, kuwaas oo loolan adag oo dhinaca hogaanka xisbiga Kulmiye u dhexeeyo.

info@araweelonews.com

jamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *