RopertoWashington(Araweelo News Neywork)Dawlada Maraykanka ayaa muwaadiniinteeda uga digtay in ay safar ugu baxaan dalka Kenya oo ay sheegeen in weeraro khatar ah oo lagu

 

bartilmaameedsanyo dadka u dhashay Maraykanka  ka dhici karaan. Sidaana waxa lagu sheegay war kasoo baxay saacadihii lasoo dhaafay wasaaradda Arrimaha debeda Maraykanka.

“Isbedelka dhanka ammaanka  ee kajira Kenya ayaa nagu khasbaya in shaqaalaha gaarka ah aan u rarno wadamo kale, halka muwaadiniinta aan uga digayno in ay usocdaalaan Kenya”ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha debadda USA.

Laamaha Ammaanka Mareykanka ayaa saadaaliyay suurtagalnimada in ay dalka Kenya ka dhacaan weeraro lamid ah kuwii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay deeganka Mpeketoni  jaziiradda Lamu, kuwaas oo lagu dilay dad ka badan 70 qof.
Weeraradaa oo ay sheegatay masuuliyadooda Al-shabaab, balse dawlada Kenya ku tilmaantay kuwo ay ka danbeeyeen siyaasiyiin u dhashay dalkaa oo dano gaar ah iyo ujeedooyin ka lahaa.

Dawlada Maraykanku waxay si gaar ah ugaga digtay muwaadiniinteeda Magaalooyinka iyo gobollada Mombasa, Kwale, Kilifi, Lamu, iyo qeyb ahaan xeebaha gobolka Tana River.

Sidoo kale waxa digiintaa lagu sheegay magaalada Eastleigh ee uu ku yaal suuqa ugu weyn ee caasimada dalka Kenya ee Nairobi  iyo gobolada iyo deegaanada dhinaca Woqooyi  galbeed ee dalkaa sida El Wak, Wajir, Garissa, Mandera iyo Liboi oo ku taal xadka ay Kenya la wadaagto Somalia.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha Kenya ayaa ugu baaqay shacabka Kenya in ciyaaraha adduunka ay ku daawadaan guryahooda oo ay joojiyaan in ay isugu yimaadaan goobaha lagu daawado ciyaaraha Aduunka ee 2014, eek a socda Dalka Barazil, wuxuuna ka digay fagaarayaasha lagu kulmo oo uu ku tilmaamay in ay sababi karaan khatar iyo khasaare dhinaca amaanka ah.
Weeraradii ugu danbeeyay ee dalka Kenya ka dhacay oo ahaa kuwo si idaba joog ah uga dhacay Magaalooyinka Mpeketon iyo Jaziirada Lamu, ayaa si weyn u dhaawacay dhaqaalaha dalka Kenya, waxayna sabab u noqdeen in ay shaki geliyaan qorshe ka socda halkaa oo lagu dhisayay wado caalami ah oo la doonayay in la geeyo Lamu si saliida dalka Uganda , Kenya iyo South Sudan loo mariyo dhuumo lagu gaadhsiiyo badda Indian Ocean. Qorshahaa oo ku kacayay $25.5 billion oo lacagta Maraykanka ah, balse waxa mugdi geliyay qorshahaa ay doonaysay Kenya in ay uga faa’idayso wadamada xidhan ee Badda lahayn weerarada todobaadkii hore ka dhacay deegaankaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *