madaxweyne silanyo iyo muuse biixi1Hargeysa(Araweelo News Network)Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ka tanaasulay mawqifkii uu hore ugu dhawaaqay ee ahaa inuu yahay musharax u taagan tartanka doorashada

 

madaxweynaha marka la gaadho shirka golaha ee xisbiga Kulmiye, taas oo khilaaf ka dhex abuurtay xisbiga dhexdiisa. Kadib markii Madaxweyne Siilaanyo ku dhawaaqay inuu yahay musharaxa u taagan xisbiga Kulmiye xiliga labaad ee teeramkiisa.

Hase yeeshee Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa hadda ka noqday mawqifkii hore ee Murashaxnimadii Xisbiga Kulmiye dhexdiisa shanta sano ee soo socota kadib markii ay koox Ganacsato ah ku qanciyeen inuu ka tanaasulo mawqifkaa musharaxnimada.
Ma jiro war arrintaa ku saabasan oo kasoo baxay Madaxtooyadda iyo hogaanka xisbiga midna, balse waxa sidaa lagu sheegay Warsaxaafadeed ay Odayaasha ganacsatada ah kasoo saareen Magaalada Hargeysa caawa, kaas oo ay ku cadeeyeen in ay soo afjareen khilaafkii Xisbiga Kulmiye ee ka dhashay arrintaa.
Ganacsatada ayaa qoraal kooban oo ay arrintaa kasoo saareen ku sheegay in Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo ay weheliyaan ganacsatadu kulan ku yeesheen caawa qasriga Madaxtooyada. Kadibna ay gacmaca isu saareen Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha, iyadoo sida ay sheegeen Gudoomiye Muuse aqbalay inuu ka tanaasulo musharaxnimadii uu hore u iclaamiyay ee doorashada Madaxweynaha, taas oo uu uga hadhay Madaxweynaha shanta sanadood ee soo socda.

Gnacastada hawshaa ku jiray ayaa, kala ahaa, Maxamed Aw-Siciid Geedi, Jaamac Oomaar Seed, Rashiid Ibraahim Ciise iyo Maxamed Xuseen Axmed, kuwaas oo maalmihii u danbeeyay ku hawlanaa sidii xal loogu heli lahaa arrintaa oo abuurtay khilaaf weyn, isla markaana guurtidu kasoo saartay go,aan, balse xiisadii ka dhalatay murankaa ay weli ka muuqatay saaxada siyaasada.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *