qaraxa weriyaha lagu dilay

Mugadishu(Araweelo News Network)Weerarada lala beegsanyo Suxufiyiinta iyo Dhakhaatiirta magaalada Muqdisho ayaa dib usoo laabtay. Kadib markii weerarkii ugu danbeeyay oo

 

saaka barqadii ka dhacay Xamar Weyne lala beegsaday Marxuum Yuusuf Axmed Keynaan oo ahaa Tifaftirihii Idaacadda Mustaqbal.

Weerarkaa oo ahaa qarax lagu xidhay gaadhi uu watay Suxufigu ayaa sababay geeridiisa, iyadoo aanay jirin cid sheegatay weerarka qaraxaa. Saraakiisha booliska degmada Xamarweyne ayaa xaqiijiyay qaraxa gaadhigaa uu ku dhintay Allah ha u naxariistee wariye Yuusuf Axmed Kaynaan oo  ka howlgeli jiray mid ka mida idaacaddaha madaxa banaan ee magaalada Muqdisho.

Todobaadkii hore qarax ka dhacay afaafka hore ee Cusbataalka Keysaneey degmada Kaaraan waxaa lagu dilay mid ka mida Kalkaaliyaasha Cusbitaalka, waxaana dhaawac kasoo gaadhay qaraxaa Dr.Xoogsade oo ka mid ah dhakhaatiirta magaalada Muqdisho ugu caansan.

Mana jirto cid sheegatay qaraxyadaa lala beegsaday suxufiyiinta iyo Dhakhaatiirta ka hawlgala magaalada Muqdisho.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *