Somalia(ANN) Diyaaradaha Maraykanka ee weerarada qorshaysan ka fuliya koonfurta Somalia ayaa maanta  gantaalo ku riday deegaamada Baardheere iyo Buurhduubo ee koonfurta Somalia, weeraradaa ay diyaaradaha is wada ee Maraykanka oo kasoo kaca saldhig ku yaala dalka Ethiopia fuliyeen

 

sabaxnimadii sabtida ayaa keenay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.
Warar laga soo xigtay Dadka deegaanka ayaa sheegay in gantaalkii u horeeyay lagu riday  magaalada Baardheere, taas oo keentay inay ku dhintaan ku dhowaad 40 qof, isla markaana ay ku dhaawacmaan ilaa 50 qof, kuwaas oo u baddan caruur iyo haween maato ah oo halkaa uga qaxay dhibaatooyinka colaadaha iyo abaaraha ka taagan Somalia.
Weerarka kale  oo ahaa gantaal lagu riday deegaanka Buurdhuubo ayaa warar  dadka deegaanka laga helay sheegeen inay ku dhinteen ilaa 30 qof, isla markaana ay tiro intaa ka badani ku dhaaawacmeen, waxaana weeraradaa oo ay fuliyaan sirdoonka Maraykanku lagu sheegaa in lagu ugaadhsanyo Al-shabaab, balse waxa khasaaraha ka dhasha weeraradaasi noqdaan kuwo ay ku nafwaayaan dad maato ah oo aan waxba galabsan, isla markaana u baddan haween iyo caruur. Labada gantaal ee deegaankaa ay maanta la eegteen diyaaradaha aan cidna wadin ee Maraykanka ayaan si rasmi ah loo ogayn baaxada khasaarha ka dhashay, balse warar madaxbanaan oo deegaanka laga helay ayaa sheegaya inay ku dhinteen ilaa 70 qof iyadoo tiro gaadhaysa 80 qof ay dhaawacyo kasoo gaadheen, kuwaas oo ay adagtahay inay helaan dawooyin iyo gargaar caafimaad iyo mid bini aadanimo, maadaama xaalada deeganadaasi aanay ahayn kuwo xasiloon oo ay dagaalo u dhexeeya ciidamada dawladda taagta daran iyo xarakada al-shabaab ka socdeen maalmihii lasoo dhaafay.
Maaha markii u horaysay ee weerarada duqaynta ee diyaaradaha maraynaka iyo kuwa Kenya dad shicib ah khasaare u geystaan, iyagoo ku dooda inay saldhigyo Al-shabaab duqaynayeen, balse todobaadkii hore 30 Oct, 2011 ayay sidan oo kale Ciidamada Kenya weerar dhinaca cirka ah oo ay ka fuliyeen deegaanka Jilib ay ku duqeeyeen xero ay ku sugnaayeen dad barakacayaal ah, taas oo keentay khasaare dhimasho iyo dhaawac  gaadhay ilaa  80 qof, kuwaas oo ahaa haween iyo caruur ku sugnaa goobtaa oo raashin caawimo ah xiligaa loo qaybinayay. Sida ay markii danbe cadaysay Hay’adda MSF Holland oo ka hawlgasha deegaankaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *