Hargeysa(ANN)Madaxweyne Ku xigeenka Somalialnd C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), isla markaana ah  ku simaha Madaxweynaha ayaa saaka salaadii ciidul Udxa kala qeyb galay kumanaan qof oo ka mid ah bulshada ku dhaqan caasimada Hargeysa masjid  Jaamaca weyn ee Magaalada

 

Hargeysa. Wuxuuna  dadweynaha Somaliland gudo iyo dibadba u diray dhambaal Hambalyo ah oo ku wajahan munaasibadda Ciida, isagoo  dhammaan shucuubta muslimiinta u rajeeyay inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo.
“Maanta waa maalin weyn waa Ciidul Udxa waa maalintii ummadda islaamku ay guteen waajibaadka xajka intiisii badnayd, waxaan marka koowaad hambalyo u dirayaa dhammaan shucuubta islaamka meel ay joogaanba gaar ahaan shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba waxaan leeyahay Ciid Mubaarik kuli caam wa antum bil khayr, “ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku.
Madaxweyne Ku xigeenku isagoo si gaara ula hadlaya bulshada Somaliland wuxuu yidhi,  “Walaalayaal haddii aynu nahay ummadda reer Somaliland wuxuu ILAAHAY wuxuu inagu manaystay nabadgelyo,  waxaan idinku dardaarayaa inaynu ilaashano qaranimadeena iyo nabadgelyadeena waxaan leeyahay aragtiyaha iyo faraqyada yar yar waxa ka weyn waxa inaga dhaxeeya oo ah qaranimadeena, sidaa darteed waxaan ku waaninayaa shacbiweynaha Somaliland inay isku duubnaadaan oo ay midnimadooda iyo qaranimadooda meel uga soo wada jeestaan.”
Madaxweyne Ku xigeenka waxa munaasibada Ciidul Udxa kala qeyb galay Wasiirro, Shirgudoonka Goleyaasha baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiilada), Ku simaha Guddoomiyaha gobolka Maroodi jeex ahna Maayarka Caasimada Hargeysa, Xildhibaano ka tirsan Labada gole, masuuliyiin ka tirsan hay’addaha dawliga ah ee dalka.

Kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha magaalada caasimada ah ee Hargeysa oo u badan carruur, dhalinyaro iyo waayeelba ayaa saaka si weyn ugu soo baxay munaasibada ciida, kuwaas oo ihambalyo iyo ducooyin ay is  weydaarsanayay,  Waxaana  samxad weyn laga dareemayay wadooyinka caasimada Hargeysa oo ay gaadiidku buux dhaafiyeen.
Sidoo kale Magaalooyinka Berbera, Boorame, Burco, Laascaanood, Ceerigaabo, Laascaanood,  Gabilay, Baligubadle, Sallaxley, Caynabo, Buuhoodle, Sheekh, Ceel Afweyn, Garadag iyo dhammaan deegaamada kale ee dalka ayaa si weyn looga ciiday. Iyadoo ay masuuiyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland kala qaybgaleen maagaalooyinka qaarkood munaasibada ciida.
Dhinaca kale Magaalooyinka waaweyn Somalia sida  Muqdisho, Garowe, Gaarisa iyo  sidoo kale Nairobi iyo Djibouti ayaa waxaa salaadda lagu tukaday masaajiddada magaalooyinkaa kumanaan dad ah, iyadoo  Carruurta loo xidhay dhar qurxoon sitay, kuwaas oo waxyaabaha munaasibadan oo kale lagu yaqaan ee caruurtu ku ciyaarto  loo iibiyay.
Balse munaasibada ciida oo aad loo ciiday Somalia ayaa  haddana dagaallada ka socda qeybo ka mid ah Soomaaliya, abaarta iyo roob la’aanta ka jirta gobollo badan ay  saameyn ku yaalatay munaasabaddan, iyadoo ay meelaha qaar maalmihii u danbeeyay ka socdeen duqaymo dhinaca cirka ah oo diyaaradaha Maraykanka iyo kuwa dalka Kenya ka wadaan jubooyinka, kuwaas oo khasaare dhimasho iyo dhaawac gaadhsiiyay dad maato ah oo ku sugnaa goobahaa ay duqeeyeen maalmihii u danbeeyay ee Jilib, Baardheere iyo Buurdhuubo oo shalay diyaaradaha Maraykanku duqayn ay ka sameeyeen diyaaradahoodu, kuwaas oo 150 qof in ka baddan weerarkaa ugu geystay dhimasho iyo dhaawac. Iyadoo warbaahinta ku hadasha Af-soomaaliga ee reer galbeedka sida BBC-da iyo VOA iyo kuwa caalamiga ahi aanay waxba ka sheegin duqaymaha maalin walba ka socda gobolada dhinaca Koonfurta Somalia.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *