Hargeysa(ANN) Askarta Ilaalada xabsiga weyn ee hargeysa ayaa caawa caweyskii tacshiirad rasaas ah ku furay gaadhi marayay wadada oo xiligaa saxmad ahayd.  Dad goob joog ah ayaa u sheegay Araweelonews  in markii tacshiiradaa rasaasta ah lagu furay gaadiidka marayay  wadada oo xiligaa

 

saxmad ahayd ay sababtay inay dhaawacyo soo gaadhaan dad meesha marayay, isla markaana ay gaadiidika wada taagnaa oo sanka isku hayay khalkhalaan oo ay khasaare is gaadhsiiyaan.
Wararka hordhaca ayaa sheegaya in tiro dad ah ay ku dhaacmeen tacshiiradaa oo laga riday qoryaha nooca loo yaqaan broonka. Mid ka mid ah saraakiisha amaanka ayaa u sheegay Araweelonews  inay Ilaalada xabsiga oo ka shakiyay gaadhi dib ugu soo baxay dhinaca xabsiga ay ku rideen tacshiirad. Kadib markii uu istaagi waayay, balse aanu sheegi karin khasaaraha ka dhashay .
Dhinaca kale amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo lagu jiro diyaargarawga ciidal Udxa oo ku beegan maalinta beri ah, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inay jiraan kooxo doonaya inay hawlgalo ka djan ah amaanku ka fuliyaan Somaliland inta lagu guda jiro munaasibada ciidal Uxda.
Wixii warar ee kasoo kordha kala soco Araweelonews.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *