Djibouti(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka dalbaday dhigiisa Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle sidii uu gacan uga siin lahaa ee wax ugala qabal lahaa  inay Somaliland cilaaqaad la  yeelato  wadamada Carabta

 ee ay xidhiidhka wanaagsan leeyihiin dalkiisa.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo wuxuu hadalkaa   ka sheegay kulankii labada Madaxweyne ku yeesheen maanta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyada Jabuuti.
Md. Axmed Siilaanyo wuxuu Madaxweynaha Jabuuti ku bogaadiyay horumarka uu dalkiisa gaadhsiiyay iyo sida uu wax ugu qabto sidii loo xalin lahaa mashaakilka ka taagan dalka Somalia ee qalalaasaha siyaasadeed ka jiro labaatan sanadood ku dhawaad.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Hoggaamiyaha Jabuuti uga mahad celiyay sida layaabka leh ee loogu soo dhaweeyay waxaanu yidhi “Waxaanu idiinka mahad naqaynaa marti qaadka sharafta leh ee aad noo fidiseen iyo sidaad noo soo dhawayseen waa mid lama ilaawaan ah. Waxaanu qiraynaa Anagoo u aragna in dalka Jabuuti uu nooga dhow yahay dal kasta oo kale oo ah dalka aanu iskugu xigno, wax wada qabsan karo oo ay markaa noqotay waajib inuu noqdo dalkii ugu horeeyay ee aan imaado. Waxaan hubaa inaan gacan qabasho badan idinka heli doono.
Waxaanu u aragnaa inuu Madaxweyne Ismaaciil uu dalkiisii aad iyo aad u horumariyay xasilooni iyo deganaanshaha ka jira inagoo og manqadaqadan aynu ku nool nahay in xasilooni darro iyo degaanaansho la’aani ka jirto. Waxay Jabuuti tusaale u noqon Ummadda Somaaliyeed;”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.Hawlihii aad ka qabatay ama aad isku dayday inaad isu keento mashaakilka ka taagan Soomaaliya waxna ka qabato ee aad shirarka u qabatay waa mid aad ku mutaysatay sharaf iyo qiimo weyn kaaga soo jiiday dunida iyo mandaqadan aynu ku nool nahay. Waxaanu Madaxweyne Maantana marti kaaga nahay inaad anagana wax weyn nagala qabato dalalka aynu walaalaha nahay ee idinkuna aad xidhiidhka wanaagsan leedihiin, IGAD iyo Afrikaba ixtiraamka aad ku leedihiin inaad qadiyadana nalagala gacan qaban doontaan.”
Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, oo shirkaasi ka hadlay ka hor madaxweyne Siilaanyo ayaa faah faahin ka bixiyay booqashada Weftiga Madaxweynaha Somaliland waxaanu yidhi “Madaxweyne, Adiga iyo Weftiga Wasiirada ah ee aad Hoggaaminayso waxaanu idin leenahay ku soo dhawaada wadankiinii, ehelkiina iyo dadkiinana ku soo dhawaada. Waxaanu idinku soo dhawaynaynaa qalbi furan.waxaan Madaxweyne kuugu Hambalyaynaynaa hawsha doorashada ee aad ku guulaysatay ee kalsoonida ummadda Somaliland.oo Ilaahay ka sakow aad adigu suurto galisay.waxaanu idiin haynaa booqashadan aad noogu timaadeen walaalnimo. Booqashadan aad noogu timaadeen taariikhda ayay galaysaa dalkii ugu horreeyay ee dibada ah ee aad ku horaysaa inuu Jabuuti noqotay.waanan idiinka mahad celinaynaa.Anigoo magaca shacbiga Jabuuti ku hadlayay waxaanu halkan idiinka soo jeedinaynaa Hambalyo iyo mahad naq.waxa weeye inaynu wada shaqeyno, wax is weydaarsano oo wixii aynu isku dhaano isa siino wixii aynu qabsan karnana wada qabsano.”
Madaxweyne Geelle waxa kale oo uu sheegay inuu qado sharaf u sameeyay Weftigii Madaxweynaha Somaliland, waxaanu halkaasi ka sheegay in wixii uu Somaliland la qaban karayo la qaban doono.
Waxa kale, oo Marwada Koowaad ee Jabuuti Marwo Khadra Maxamuud Xayd, ay ku soo dhawaysay soona marisay Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde xarumaha daryeelka carruurta yaryar ee agoomaha iyo danyarta Jabuuti, oo ay ku jiraan in ka badan 300 oo carruur ah.
Marwo Aamina Waris oo halkaasi ka hadashay ayaa marwada Koowaad ee Jabuuti iyo Haweenka ku jira Somaliland gaadhsiisay Dhambaal Salaan ah oo ay uga siday Haween weynaha Somaliland.
Marwo Khadra Maxamuud Xayd oo ka hadashay goobtaasi ayaa sheegtay inay ku farsax tahay socdaalka taariikhiga ah ee Madaxweynaha Somaliland iyo yimid Jabuuti waxaanay ka warantay daryeelka ay u fidiso carruurta ku jirta xaruntaasi.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *