Muqdisho(ANN)Wararka iyo xogaha si hoose uga soo baxaya  Xaruunta Madaxtooyada ee Villa Somaaliya ee Magaaladda Muqdisho ayaa Sheegaya inuu Raysal wasaare Farmaajo saacadaha spp socda  ku dhawaaqi doono golihiisa wasiirada. 

 kadib markii uu soo gaba gabeeyay latashiyadii uu la lahaa Madaxda Sarre ee Dowladda kMG iyo shaqsiyaad mihiim ah oo daneeya arrimaha dawlada taagta daran. Xogaha iyo tibaaxaha  aanu ka helay dhawrka kilomitir ee fadhiisinka u ah dawlada   ayaa sheegaya inay  Xukuumada  cusub kamid noqon doonaan  ragg ku cusub Saaxada Siyaasada Soomaaliya.
Raysal Wasaare Maxamed Cabadilaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa Xukuumadiisa cusub oo maalmihii  u dambeeyay si weyn loo hadalhayay dhinaca Magaalada Muqdisho ee dagaalada iyo duqaymuhu ka socdaan, wuxuuna Mr. Farmaajo qorashaynayaa inuu soo saaro magacayada xukuumadiisa kadib markii uu talooyin iyo hogo tusaaleyn badan la yeeshay Madaxda Sar Sarre ee Dowladda KMG, iyadoo ay xogaha iyo tibaaxa ku dhow dhow sheegayaan  inuu  go’aan saday raysal wasaaruhu  inuu Jimcaha bari ku dhawaaqo Golihiisa wasiirada ee cusub.
Sida aanu warar hoose oo xaqiiqa ku helayno Xukuumadan uu hogaaminayo Raysal wasaare Farmaajo waxay in badan ka yaraan doontaa tii Raysal wasaarihii hore Cumar C/rashiid oo ahayd ku dhawaad 30 Wasiir, Raysal Wasaare Farmaarjo ayaa hore  u sheegay inuu soo dhisi doono Gole Wasiiro oo tiro yar,  balse tayo iyo karti leh.
Xukuumada cusub ee uu Bari ku dhawaaqi doono Raysal Wasaare Farmaajo ayaa sida la sheegay waxaa ku jira ragg ku cusub Fagaarayaasha Siyaasada Soomaaliya,  islamarkaana aan hore  loogu aqoon waxaa sidoo kale la filayaa in daaqada laga saaro  Ragg badan oo Wasiiro hore u soo ahaan jiray oo quud dareynayay inay  kamid noqon doonaan  Xukuumada Cusub ee Raysal Wasaare Farmaajo, balse hada ku sii socda rajo la’aan.
Sidoo kale Waxaa Golaha Wasiirada cusub kamid noqon doona oo la hadalhayaa  Xubno si weyn uga soo horjeedi jiray Raysal Wasaarihii hore ee Cumar C/rashiid oo ku eedeyn jiray in aanu lahayn karti badan oo u wax kaga qabto xal u helida Soomaaliya Waxaana Xubnahaas kamida Xildhibaan Caasha Axmed Cabdalla.
 Dhinaca  kale Waxaa si weyn loo saadalinayaa inuu kamid noqdo Xukuumada Cusub Cabdikariim Jaamac oo ah Agaasimaha Madaxtooyada, kaas oo sida la saadaalinayo  bedeli doonaan Axmed Jaamac Jeengali oo mudo badan isagu Wasiir ka ahaa Xukuumada Dowladda taagta daran ee Somalia. Hase yeeshee waxa jira aragtiyo siyaasadeed oo iftiiminaya in aanay waxba ka bedelayn xukuumada cusub ee lagu dhawaaqaa xaalada ka taagan Magaalada Muqdisho ee dagaalada iyo duqaymuhu ka socdaan, halkaas oo ay ku loolamayaan ciidamada dawlada taagta daran iyo kooxaha Al-shabaab ee dagaalka ba’an kula jiraa, kuwaas oo in ka badan 95% gacanta ku haya Magaalada Muqdisho iyo gobolada Koonfurta Somalia.

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *