-
Published On: Fri, Nov 5th, 2010

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Gaboose Oo Ka Samatabaxay Shil Gaadhi

Smiley face
Share This
Tags

 Hargeysa(ANN)Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa ka samatabaxay shilgaadhi caawa fiidkii. Kadib markii gaashigiisa oo marayay duleedka Abdaal ee wadada u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera uu qalibmay.

Shebekada wararka ee Araweelonews oo khadka telefoonka kula xidhiidhtay Ilaalada wasiirka ayaa loo xaqiijiyay inuu jiro shilka gaadhiga wasiirka, balse uu ka samatabaxay oo aanay cidna waxba ku noqon shilkaa, isla markaana uu wasiirku si nabad ah u yimi gurigiisa caawa.
Dr. Gaboose ayaa ka mid ahaa wefdi uu hogaaminayay gudoomiye xigeenka Wakiilada oo  dhinaca gobolka Sool ku maqnaa, halkaas  oo ay wadahadalo kula lahaayeen  deegaanka Widh-widh Garaadada, Odayasha iyo waxgaradka deegaankaa.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>