maadhiin TayuubHargeysa(Araweelo News Network)Xildhibaan Maxamed Cali Caamir (Maadhiin Tayuub) oo ka mid ahaa musharaxiintii golaha deegaanka ee Ururkii Dalsan , balse aan kusoo bixin

 

doorashada xildhibaanada golaha deegaanka Hargeysa, waqtigana ah xubnaha Golaha Dhexe ee Kulmiye ayaa nasiibdaro ku tilmaamay in Xisbiga UCID oo ka mid ahaa axsaabtii ugu horaysay dalka Somalialnd uu xaflad u sameeyo nin sita magac Foojari ah.
“Waan la yaabay markii aan arkay xaflad loo qabtay nin lagu magcaabo Sanweyne oo sheegtay inuu ka mid ahaa Ururkii Dalsan, waxa haddaba ayaandaro ah in xisbiga UCID oo ka mid ahaa axsaabtii ugu horaysay dalka kala garanwaayo qof sita magac been ah, iyadoo xisbiga UCID oggaa in dhamaan Ururkii Dalsan oo aan kala hadhin uu hadhgalay maalin cad ku biiray Xisbiga Kulmiye, markii aan arkay ee aan shaashadaha ka daawanay xafladaa waxaan u qaatay in Munaasibada ay ugu talagashay UCID inay ku maamuusto soonoqoshadii uu Ninkaa Sanweyne kasoo noqday Muqdisho. Kadib markii uu ku guuldaraystay Baarlamaanka Somalia oo uu quudaraynayay inuu ka mdi noqdo.” Ayuu yidhi Maadhiin Tayuub oo khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay caawa caweyskii shebekadda Araweelonews.
“Xisbiga UCID waxaan leeyahay markii aad ku guuldaraysateen inaad wax ka heshaan Ururadii hadhay, waa nasiibdaro inaad dadka Xamar ka yimaada xaflado u qabataan oo ay idiin sheegtaan Urur aanay shaqo ku lahayn, waxaa Ninkaa Sanweyne iigu danbaysay ka hor Ololihii ururada siyaasada intii aan la gaadhin doorashadii, waxaana warka ku haynay inuu qabtay Xamar, balse markii uu kusii guuldaraysatay in uu ka mid noqdo Baarlamaanka Somalia dalka dib ugu soo laabtay, waxaana mar keliya ku warhelay  UCID oo Ninkaa xaflad u qabatay, iyagoo sheegaya inuu yahay Siyaasi Dalsan ka mid ahaa, Xisbiga UCID oo beryahaa bulshada dhegeheedu maqlayeen waa laga baxay, waxay malaaa naruuro mooday sidan” ayuu yidhi Maxamed Cali Caamir (Maadhiin Tayuub).
Wuxuuna sheegay in aanay ceeb ahayn in qofku ku biiro xisbiga uu doono, taas oo uu ku tilaamay in ay tahay nidaamka dumuqraadiga ah ee aynu qaadanay iyo hanaanka xisbiyada badan, balse waxa ayaandaro ah in qofku sheegto wax aanu ahayn.
Sidoo kale Maxamed Cali Caamir (Maadhiin Tayuub) waxa uu sheegay in uu ku farxay markuu ku arkay xafladaa Mujaahidiinta madasha wadatashiga oo uu sheegay filayay in ay ku biiraan Xisbiga UCID oo iyaga loo qabtay Xaflada, balse aanay taasi dhicin ee ay halkaa u tageen keliya in ay dawlada Mikirifoonka usoo fadhiistaan, waxaana isoo baxday in ay fadhiisten xaflad loogu sabcabtumayo Nin aan Somaliland aqoonsanayn oo sheeganaya magac been abuur ah, waana arrin aan canbaaraynayno Ninkaasi Kulmiye iyo Dalsan midna kama mid ahayn.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *