doonyaha 1Ceergaabo(Araweelo News Network) Doonyaha Kaluumaysiga ee ka ugaadhsan jiray xeebaha Bariga Somaliland ayaa u wareegay dhinaca Dalka Ereteria kadib markii ay dawlada Ererteria

 

ka khafiifisay Cashuurta laga qaado Doonyaha Kaluumaysiga ee ka ugaadhsada Xeebeheeda.
Qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan xeebaha gobolka Sanaag ayaa u sheegay shebekaddaha wararka ee Arraweelo.com iyo Araweelonews in bishan horaanteedii ay 80% doonyaha ka kaluumaysian jiray xeebaha Yar yar ee Bariga Somaliland u wareegeen dhinaca dalka Ererteria.
Doonyahaa oo ka iman jiray dalalka Yemen, Iran iyo India ayaa gebi ahaanba u wareegay dalka Erereteria, kuwaas oo inta badan qaab sharcidaro ah uga Kaluumaysan jiray xeebaha ayaa tegigaankoodu saamayn ku yeeshay Nolosha dadka ku Nool xeebaha bariga Somaliland iyo guud ahaan Magaalada Ceergaabo ee xarunta Gobolka Sanaag. Kadib markii uu meesha ka baxay shidaalka gaar ahaan Naaftada oo laga isticmaalo gobolka Sanaag oo ay Doonyaha ka yimaada dhinaca Yemen oo ahaa kuwa ugu badan ay meesha ka baxeen, taas oo keentay in qiimaha Naafatada uu kor u kaco oo saamayn ku yeesho Nolosha dadka deegaanka.
Sidoo kale qiimaha Batroolka ayaa si weyn kor ugu kacay kadib markii Gaadiidka ka keeni jiray dhinaca magaalada Boosaaso ay joojiyeen inay shidaal keenaan, iyagoo ka walaacsan Cashuur ay sheegeen in ay kusoo rigtay xukuumadda Somaliland, waxayna arrintaasi sababtay in qiimaha Batroolku laban laabmo oo gaadho $ 20 lagu, halkii uu ka ahaa $6 tobanka Litir.
Wuxuuna kor u kaca qiimaha shidaalku saamayn weyn ku yeeshay nolosha dadka iyo isu socodka gaadiidka isaga goosha deegaamada kala fog ee gobolka iyo guud ahaan nolosha bulshada.
Masuuliyiinta xukuumadda Somaliland ee gobolka iyo maamulka degmada ayaan ka hadlin arrintaa oo si weyn walaac ugu abuurtay bulshada gobolka Sanaag, gaar ahaan Magaalada Ceergaabo.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *