-
Published On: Mon, Mar 14th, 2011

“Waxa Noo Qorshaysan Waxyaabo Baddan Oo Dhinaca Xoolaha Iyo Deegaanka Ah, Labada Maxjar Ee Karantiimadana ……., Maskaxdayda Hada Kuma Jirto Inaan madaxweyne Noqdo, Kamana Saarin, Laakiin ……”Dr. Cabdi Aw Daahir

Smiley face
Share This
Tags

Hargeysa(ANN)Wasiirka Xannaanada Xoolaha , Deegaanka,  Dhirta Iyo horumarinta Reer Miyiga  Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir ayaa sharaxaad ka bixiyay  sida uu doonayo inuu wax uga qabto wasaaradda oo dhowaan Madaxweyne Siilaanyo u magcaaby, waxyaabaha uu doonayo inuu

 

culuyska  saaro iyo  ahmiyada ay wasaaraddu u leedahay dhaqaallaha dalka.
Sidoo kale waxa uu ka hadlay qorshaha mustaqbalkiisa siyaasadeed  iyo waxa uu damacsan yahay. Dr. Cabdi Aw Daahir, waxa kaloo uu sharaxaad ka bixiyay siyaasada Xukuumadda ee ku wajahan Caafimaadka xoolaha,  dhinaca dhoofinta  iyo waxa uga yaala wasaarad ahaan  labada Maxjar ee ku yaala magaalada Dekedda ah ee Berbera, wuxuuna arrimahaa iyo kuwo kale oo baddan kaga hadlay waraysi khaas ah oo uu siiyay Tafaftiraha shebekada wararka ee Araweelonews  Carraale M. Jama  oo xafiiskiisa magaalada Hargeysa  kula kulmay.
Hase yeeshee  Dr. Cabdi Aw Daahir oo ka mid ah  dhakhaatiirta caanka ah ee dhinaca Siyaasada ku jiray sannado baddan, isla markaana ka mid ahaa golihii wasiirada ee xukuumaddii Marxuum Cigaal sannado baddan, balse markii danbe ku biiray xisbiga Kulmiye ee ku guulaystay doorashadii kal hore 2010, waxa uu marka hore sharaxaad kooban ka bixinayaa ahmiyada wasaaradda loo magcaabay, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “ Wasaaraddani waa mid balaadhan oo saldhig u ah dhaqaallaha dadka iyo dalkaba, magaceeduna waa Wasaaradda  Xannaanada xoolaha, Deegaanka Iyo Horumarinta reer miyiga, waxay kulmisaa xoolihii oo ah lafdhabarta dhaqaalle ee dalkeenu maanta ku dhisanyahay 80%, waxa kaloo ka mid ah xilka ay wasaaraddu qabato deegaanka oo ah sidii loo hagaajin lahaa wax kasta oo ku wareegsan qofka bini aadamka ah(Environments) iyo horumarinta reer miyiga oo ah bulshada 80%. Markaa waa dadkii iyo duunyadii oo hawl baddan  oo culus ayaa noo taala oo aan doonayo inaan ku hogaamiyo wasaaradda sidii aanu horumar u gaadhsiin lahayn qorshe dhow, mid dhexe iyo mid fogba, waxaana illaahay ka barayayaa inuu nala qabto.” Ayuu yidhi. Dr. Cabdi Aw Daahir.

 

S- Maxaa kaaga qorshaysan inaad ka qabato wasaaraddan oo sida aad sheegtay ahmiyad weyn u leh dalka iyo dadka, isla markaana ah laf dhabarta dhaqaallaha dalka.?

J-hawsha noo taala waa mid culus. Laakiin waxaan doonaynaa inaanu ahmiyad koowaad siino in la daadejiyo  maamulka wasaaradda, sababtoo ah hada waxa la qabtaa hawshu ku kooban tahay  xarunta  iyo dhoofinta Dekedda oo ku kooban Maxjarka, waana qayb mihiim ah runtii oo hadaan la ilaalin dhoofintii xoolaha  oo  aanay wasaaraddu qayb weyn ka qaadan dhoofintu  waa dhaqaalihii dalka, balse wxay u baahantahay in la koriyo xoolihii oo halkii ay ku beermayeen, meeshii ay daaqa iyo biyaha ka helayeen, cidii  xanaanaynaysay  iyo  cidii dhaqaysay, hadaan kuwaa halkaa loogu tegin faa’idadii halkan laga heli maayo. Haddii la helana faa’ido baddan laga heli maayo. Sidaa awgeed ahmiyada ugu weyn waxaanu saaraynaa inaanu  wixii horena joogtayno, waxa danbena aanu kobcino oo ugu tagno meeshooda, waana bedeli karaa in xoolaha daaweyntooda kor loo qaado, cudarada ku dhacana laga hortago oo tiradooda iyo tayadoodaba kor loo qaado, isla markaana lagu fekero imisaa xooleheena sannad walba ku kordha, sababtoo ah dhaqaalle baddan ayaa inaga soo gala, markaa hawl balaadhan ayaa taala xaggaa  xoolaha.

Dhinaca deegaanka dhibaato baddan ayaa taala sida dhirta oo la goynayo, waana arrin dhibaato weyn ku ah caalamka, gaar ahaan Somaliland, waxa markaa noo qorshaysan in laga hortago dhibaatada dhirta la goynayo, haddii wax kale la qaban waayona aan dhirta qoyan la goyn oo  la helo wixii lagaga bixi lahaa dhirta in la jaro, ama la gubo oo aanu gacan siino cidii wada wixii lagu bedeli lahaa ee lagaga maarmi lahaa dhuxusha, ama cashuur dhaaf aan ku siino, ama dhiri gelino, ama la baadi doono waxqtiga dhow iyo mustaqbalkaba. Waxa kale oo noo qorshaysan in la sameeyo Baliyo (harooyin) si loo qabto oo looga faa’idaysto biyaha badda gelaya oo looga baxo biyo la’aanta mar walba abaaruhu ay soo cel celiyaan anigoo Illaahay la kaashanayna oo sannad walba wax qabano ilaa inta aynu gaadhayno inaynu isku filaano. Biyahaa la xidhayaana waxay faa’ido u yihiin dadkii, dalkii iyo duunaydii (Xoolaha).
Sidoo kale waxa noo qorshaysan in aanu samayno seerayaal , kuwaas oo noqon doono kuwo xidhan waqtiga dooga, xiliga abaartana loo furo xoolaha, waxaas oo dhan waxa keliya ee lagu gaadhi karaa balan iyo dedaal, waxa noo qorshaysan in aanu soo celino seerayaashii  berigii hore jiray  oo hada aan shaqayn , hadba sida ay noogu suurta gasho , wixii naga horyimaada waan arki doonaa. Laakiin  yoolkayagu  waa in aanu 12 seere iyo 12 dhaam ka samayno Lixda gobol ee dalka, waa laga yaabaa markaa inay waxna noo suurta galaan, waxna aanay noo suurta gelin, ahmiyad  ayaanu kala siin doonaa wixii  noo qabsooma iyo wixii aan qabsoomin.

S-xoolaha kuwii labka ahaa waa la dhoofinayaa, kuwii dhidiga ahaana waa la qalayaa isticmaalkooduna maalin walba wuu sii badanayaa dhinaca qaliinka, cuduro ku dhacaana way jiraan oo iyaguna soo badanaya, waxa markaa muuqata mushilad kusoo fool leh xoolaha oo tarankoodii sii yaraanayo, maxaa idiinka qorshaysan taa.?
J-Laba  hal midna la joojin maayo, in Neefkeenii Orgigii, Wankii , Awrkii iyo Dibigii la dhoofiyo  la joojin maayo oo dhaqaalle ayaa inaga soo gelaya. In neefkeena Hilibkiisa la cunona la joojinmaayo oo waxaynu u dhaqanaynay. Laakiin waxa loo baahanyahay in wixii la dhoofinayay iyo wixii la cunayay oo side loo bedelayaa.  Waa  In daaqii loo hagaajiyo, biyihii , talaalkii iyo dawadii oo loo hagaajiyo iyo in la bedelo qaabkii ay xooluhu u korayeen, waxaana qorshaha noogu jirta in Lo’ada oo kale la sameeyo mashruuc tijaabo ah, kaas oo ah in caaneheeda iyo cadkeedaba la kobciyo.
Qaabka dhoofinta waxa noo qorshaysan halkii xoolaha oo nool la dhoofinayay in Hilib lagu daro oo la hagaajiyo meelaha wax lagu qalo caafimaadkooda iyo nadaafadooda, wershedo la sameeyo. Runtii hawl badan  ayaa u taala qarankan iyo dadkan intaynu ilo kale oo dhaqaalle doonayno waxa muhiim ah inay hagaajisano laf dhabarteena dhaqaalle ee xoolaha. Waa waajib inaynu doono macdan , kaluun, Beero iyo Shidaal. Laakiin waa inaynu ku talo gala inay xooluhu weli yihiin dhaqaallaha koowaad. Sidaa awgeed waa inaynu laban laabnaa, tiradooda iyo tayadoodaba, waa taa istiraatiijiyadayada aanu doonaynaa inaanu dhigno, waxaas oo dhan marka la helo waxa la helayaa dhaqaalle wanaagsan, marka dhaqaalle wanaagsan la helana waxa la helayaa tacliin wanaagsan, biyo wanaagsan, nolol wanaagsan iyo shaqo, sababtoo ah xooluhu maanta waxay noqdeen 80%, meelaha shaqo abuurka laga helo. Sidaa darteed waa inaynu usoo jeesanaa sidii aynu u horumarin lahayn ee aynaan u arkin xoolaha wax laga tegey.

S- Xoolaha maadaama ay yihiin dhaqaallaha koowaad ee dalka, isla markaana ay jiraan laba Maxjar oo ka dhisan magaalada Berbera oo xoolaha lagu xanaaneeyo  suurta gal ma tahay in loolanka dhinaca ganacsigu saamayn ku yeesho suuqa debeda ee xoolaha, maxaase xukuumad ahaan idiinka qorshaysan labadaa maxjar. ?

J-Dawlada cusubi runtii arrimahaa Maxjarka ee karantiinka xoolaha way eegaysaa  oo sidii hawshaasi u socon lahayd ee aan xooleheena dib loo soo celin waanu ku jiraa. Mararka qaar way iska dhacdaa khaladaad, tusaale ahaan dhowaan waxa lasoo celiyay laba markab oo xoolihii saarnaa laga helay cudurka Cabeebka, kaas oo aan markii hore ku jirin liiska sucuudiga, waana la xaliyay markiiba.
Laba Maxjar ayaa jira oo karantiimo ah ilaa hada si fiican ayay u shaqeeyaan, midna waa siyaasadeena guud oo ah inuu jiro tartan xor iyo xalaal ahi, hadana qiimayn ayaanu ku samaynaynaa , waa balansanahay baadhis ayaanu samaynay markii lay magcaabay wasiirka xanaanada xoolaha. Labada dhinacba waanu is aragnay cidna iska hortaagimayno wixii arsaaqad Illaahay u qoray  iyo sidii hawshaa loo qabanayo, balse qiimayn ayaanu ku samaynaynaa  waxaanu doonaynaa inaanu la galo heshiis cusub.

S-Dhinaca caafimaadka xoolaha la qalayo iyo goobaha lagu qalayo ma jiraa qorshe wasaarad ahaan aad doonaysaan in wax lagaga qabto oo idiinka meel yaalaa.?
J-waxa hada miiskayaga saaraan sharciga Hilibka  (Meat Act) ee hilibka caafimaadkiisa, nadaafadiisa iyo cunitaankiisa ee aan dadka cunaya dhib u geysanayn caafimaadkiisa, waxaana rabnaa inaanu sida ugu dhaqsaha baddan u hor geyno golaha, mana odhanayno waxaynu nahay dad aan dhaqaalle haysan oo Somaliland ah ee yaynaan heerka  leefalka Caalamka gaadhin, waynu gaadhi karnaa ayaan leenahay. Tusaale ahaan hada Boorame waxa laga sameeyay meel hilibka lagu qalo oo lefalkeedu aad u sareeyo, Burco waa laga wadaa, hargeysana waxa suurta gal ah inaanu ka samayno, waana hawl hada noo bilaabantay sharciyadiisii iyo wax qabadkiisii, waana ku guda jiraa.

S- Maamulka wasaaraddaha waxa  lagu tilmaamaa inay caasimada hargeysa oo keliya ku kooban yihiin, waxaadna  ka dhawaajisay inaad doonay in maamulka wasaaradda la daadejiyo oo gobolada la gaashsiiyo , sidee ayaad doonaysaa inaad taas u suurta geliso.?
J- waxaanu doonaynaa in maamulka iyo caafimaadka Xooluhu kasoo bilaabmaan ilaa tuuladii oo dadka mujtamaca lagu tababaraa halka ay joogaan, si ay xoolaha u dawayn karaan iyagoon dhakhtar u baahan, markay iyaga ka timaado, waa inaanu degmadii  dad dhignaa oo tababar la siiyaa cudurada xoolaha ku dhaca, markaa ka dibna  gobolkii lasoo gaadho iyo ilaa xaruntii wasaaradda. Waxaanu doonaynaa awoodu meel kasta ha na dhigtee inaanu gobolkii xoojino, waana arrin aanu shalay aniga(wasiirka iyo agaasimaha guud) ka wada tashanaynay in aanu samayno sidii wasaaradda caafimaadka oo lahaan jirtay Cusbitaal iyo MCH, xooluhuna intaa in leeg ayay leeyihiin ee waxaanu rabnaa inaanu sidaa u daadejino insha Allaa.
s-Xiligii aad hoghayaha xisbiga UDUB ahayd dhawr sannadood ka hor, waxaa hunguri kaa galay inaad Madaxweyne isu sharaxdo isku daygaa dagaal ayaa kaa hor yimi, waa maxay hada mustqabalkaaga siyaasadeed  halkee  ku jihaysan yahay hungurigaagu,  ma ku hamiyaysaa inadaad Madaxweyne noqito. ?
J-Maanta ahmiyadayda u weni waa inaan dalka wax u qabto, meel kasta aan joogee laba wax ayaa isu kay barbar socda oo waxaan ku xisaabtamaa ama heer wasiir aan joogo ama heer kale aan noqdee inaan wixii  maalintaa jooga  ku xisaabtamo, maxaad qaban kartaa, sababtoo ah anigoo wasiir ah ayaan wax baddan qaban karaa, isla markaana kama aan tegin xirfadayda dhakhtarnimo  oo dhawr iyo sodon sannadood hawshayda waxan ahmiyada siinayay dhakhtarnimada oo siyaasadayda iyo dhakhtarnimadu marna may kala kicin ee waxay ahaayeen laba is waafaqsan. Hada nidaam ayaan ku jiraa oo Maskaxdayda  kuma jirto  aad madaxweyne noqotid, kamana saarin inaan mustaqbalka wax noqdo.

Dhamaad
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail.info@araweelonews.com

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>