Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa  Baayac-mushtarka Somaliland ku eedeeyay inaanay bixin cashuurta ku waajibtay, taa bedelkeedana  ay   dalka keenaan  badeecado dhacay. wuxuuna

sidaa ka sheegay xaflad  balaadhan oo maanta  lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, taas  oo loo sameeyay furitaanka tababar ku saabsan xirfada saxaafadda oo ay ka faa’iidaysanayaan 100 dhalinyaro ah, tababarkaasi oo socon doona muddo lix bilood waxa  iska kaashaday fulintiisa wargeyska ugu da’da weyn warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland ee Jamhuuriya  iyo Ha’ayada EDC.
Waxa kale oo xafladaasi ka soo qeyb galay Hoggaanka sadexda xisbi qaran, Wasiirrada Warfaafinta iyo Waxbarashada, saraakiil ka socotay Ha’yada EDC iyo Marti sharaf kale.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo ka hadlay xafladaasi ayaa  u mahad celiyay   Tabbabarka saxaafadeed ee ay iska kaashadeen Wargeyska Jamhuuriya iyo  Ha’yada EDC  waxaanu sheegay inuu u arko in saxaafada dalku ay korayso marka laga qiyaas qaato tirade wargeysyada ka soo baxa caasimada Hargeysa.
Guddoomiyuhu wuxuu saxaafada u soo jeediyay inaanay noqon tuul lagu caayo dadka kuna shaqeeyaan ashaxa isla markaana dhawraan xeerarka saxaafada.
Md. Faysal waxa  ku dooday in aanu dalku shaqo la’aani jirin, hase yeeshee ay jirto xirfad la’aan haysta dhalinyarada, waxaanu wasaarada waxbarashada ugu baaqay inay xoojiso dugsiyada farsamada gacanta.
“Labaatankii sannadood ee la soo dhaafay waxaad moodaa inaynaan dabaqin sharciga, Baayac mushtarkeenu waxay la barareen oo ku naaxeen  wax cashuur ah  lagama qaado.waxay doonaan ayay soo dejiyaan xataa badeecad dhacday ayay soo dejiyaan, waxa loo baahan yahay inay cashuurta iska bixyaan,”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, waxaanu sheegay in aanay labaatankan wasaaradood intooda badani aanay gaadhin gobolada bari ee dalka.
“Labaatanka sanadood ee aynu dalkeenu madaxa banaanaa maamulkii dawladu aanu gaadhin gobolada dalka, haddii aad tagto Laascaanood iyo Ceerigaabo  waxa laga yaabaa inaan labaatanka wasaaradood ee dalka ka jiraa aanay gaadhin marka laga reebo wasaarada waxbarashada oo iyadu dedaashay.
Wasaaradaha kale Degmada  Sheekh ma dhaafaan oo xataa Burco may gaadhin maamulkoodu, waxaan soo jeedinayaa inaynu maamulkeena ku  fidino bariga oo noqday dhul aan cidina lahayn (No Man’s land),”ayuu yidhi Guddoomiyaha  Xisbiga UCID.
Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Somaliland  ahna Ku Simaha Guddoomiyaha  xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, oo  ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo tababarkan loo furay dhalinyarada baranaysa mihnadda saxaafada. Waxaanu warbaahinta u soo jeediyay inay ilaaliyaan dhexdhexaadnimada.
Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka hadlayay isbedelkii siyaasadeed iyo hoggaamineed ee dalka ka dhacay wuxuu yidhi “Isbedelku sidiisaba wuu fiican yahay, laakiin isbedel khayr qaba ayaan rabnaa maynu odhane’e waxaan leeyahay ILAAHAYOOW khayr nooga dhig isbedelka. Waxa imika la inagu wareeriyay  hala furo ururadii siyaasadda. Waxay ahayd inaynu nidhaahno siddee ayaynu u furanaa xisbiyadeena haddii ay Faysal Cali Waraabe iyo qayrkii u xidhan yihiin. Waa in sadexda xisbi qaran laga dhigo qaar lagu biiri karo la iskana dhex sharixi karo inta la leeyahay boqol urur oo jilib-jilib ah.  ha la furo. Boqolkaasi urur yaa u cadaalad samaynaya. Waa in sadexda xisbi qaran si ay u noqdaan kuwo furan oo laga soo dhex bixi karo waa inay Baarlamaanku u sameeyaan xeer nidaamiye .”
“Haddii la furo ururada siyaasada waxa xisbiyadu noqonayaan xisbiyo xiliyeed, waxaana meesha ka baxaysa Qodobka 88-aad, fiqradiisa labaad  ee dastuurka dalka oo dhigaya in Madaxweynuhu uu isku soo sharaxi karo laba teeram (Xili). Qodobkaasi dastuuriga ahi meesha ayuu ka baxayaa haddii ay arrintaasi dhacdo,”ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.
Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay xisbi ahaan soo dhawaynayaan tallada ay soo jeediyaan axsaabta siyaasadu isla markaana ay aaminsan yihiin in tallada dalka la rog rogo..
“Haddii hore u dhici jirtay marka xafladahan oo kale la iskugu yimaado la is xag xagto ma dhacayso oo waanu idiinka mahad celinaynaa wixii tallo ah ee aad soo jeediyaan asxaabta qaranka in tallada dalka la rog rogo waa waxa KULMIYE meesha u yimid hadalkiinana waanu tix gelinaynaa,”ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.
Guddoomiyaha KULMIYE waxa kale oo uu sheegay in xukuumaddu ay xisbiyada ka tallo gelisay furashada ururada siyaasada, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Arrinta furashada Ururada siyaasadda KULMIYE tallada kama laha xisbiyada oo waxa idiinka marag ah Guddida tallo bixinta ee la saaray waxa uu Madaxweynuhu  qeyb ka siiyay xisbiyada.”
Muuse Biixi waxa uu soo dhaweeyay tababarkan saxaafadeed, waxaanu Suxufiyiinta u soo jeediyay inay noqdaan qaar anshaxa  ilaaliya oo aan si khaldan u isticmaalin warbaahinta. Waxaanu tilmaamay in saxaafada looga baahan yahay inay iyada lafteedu isa saxdo.
Sidoo kale , waxa xafladaasi ka hadlay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo sheegtay inay  awooda saarayaan sidii loo tayayn lahaa loona kordhin lahaa Dugsiyada xirfadaha farsamada oo ay xustay in dalku baahi weyn u qabo.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Md. Axmed Cabdi Xaabsade ayaa sheegay in saxaafada looga baahan yahay inay qaataan tababaro saxaafadeed  waxaanu dhalinyarada  tababarkani u furmay u soo jeediyay inay dedaalaann oo aqoonta ay ka bartaan ku dabaqaan shaqada saxaafadda.
Guddoomiyaha Wargeyska Jamhuuriya Xasan Siciid Yuusuf, oo furitaankii xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay tababarkan oo  iskugu jira culuumta aasaasiga ah ee saxaafada  oo heerkoodu kala duwan yahay ay ka faa’iidaysanayaan Boqol dhalinyaro ah oo  dhamaystay dugsiga sare. Waxaanu xusay in tababarkan ay wada fulinayaan Wargeyska Jamhuuriya iyo Ha’yada EDC.
Xasan Siciid waxa uu intaasi ku daray in dhalinyaradani inta ay waxbarashada ay ku gudo jiraan ay ku dedaalayaan inay u raadiyaan fursado shaqo oo wax weyn ka tara shaqo la’aanta ka taagan dalka.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *