Laascaanood(ANN)Dablay hubeysan oo aan la aqoonsan tiradooda iyo kuwa ay yihiin  ayaa salaadii maqrib kadib si badheedha u toogtay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sool Axmed Saleebaan Geele oo waqtigaa kasoo baxay Masjid jaamaca Magaalada Laascaanood. kadib markii

 

ay tacshiirad rasaas ah ooda kaga qaadeen.
Sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelonews u sheegay dad kala duwan oo ku sugan magaalada laascaanood, kuwaas oo sheegay inaan ilaa hada la hayn dablayda fulisay dilka guddoomiyahii maxkmadda gobolka Sool Alla haw naxariistee Axmed Saleebaan Geele.
Ciidanka amaanka ayaa goor danbe gaadhay goobta uu dilku ka dhacay, balse ku guuldaraystay inay gacanta ku dhigaan dablaydii fulisay dilkaa, waxayna wararka ka imanaya dhinaca magaalada Laascaanood sheegayaan inay ciidanka amaanku wadaan baadhitaan ku saabsan wixii ka danbeeyay dilkaa.
Sarkaalka garsoorka ee lagu dilay Laascaanood ayaa noqonaya kii labaad mudo laba todobaad ka yar ka dhaca magaalada Laascaanood, iyadoo dablay aan la aqoonsan sidan oo kale 7 March 2011, xiligan oo kale ugu dileen magaalada Laascaanood Taliyhii Sirdoonka Somaliland ee gobolka Sool Marxuum Maxamed Maxamuud Xirsi (Asad), isla markaana  dhaawac gaadhsiiyeen  Taliye-ku-xigeenkiisii Carab Qawdhan iyo gabadh shicib ah, ka dib markii ay  niman hubaysani ay ku dhex toogteen  meel u dhow Masjid magaalada Laascaanood badhatankeeda ah.

Dilalka noocan ah ayaa sannadii u danbeeyay  si isdaba joog ah uga dhacayay, kuwaas oo lala beegsanayay saraakiisha maamulka dawladda Somaliland eek u sugan gobolka Sool, waxaana dilalkaa qaarkood loo qabtay dad baddan, balse mar kale ayay dilalkii dib uga bilaabmeen xarunta gobolka Sool dhamaadkii sannadkii 2010. Wax yar ka dib markii Xukuumadda cusubi la wareegtay talada.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail.info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *