Dood Kulankaa Ka dib Dhexmartay Wasiirka Iyo Xildhibaano Uu Watay Xaaji Cabdi Waraabe

Hargeysa(ANN)“Qasabadu  way ku jirtaa Gurigayga saacaddu dhawr bilood ka hor halkii ay taagnayd markii aan soo galay ayay wali taagan tahay oo ma jiraan wax biyo ah oo ka soo dhacay Anigoo ah Wasiirkii Biyaha waxaan shubtaa Booyad Maareeyaha Biyuhuna wuu ogyahay. Lacagta

biyaha aan ku shubtaa waa lacag ka badan Boqol Dollar. Maareeyaha wakaalada Biyaha Hargeysi waxba kama qaban karo biyo la’aanta ka jirta caasimada.” Sidaa  waxa yidhi Wasiirka Macdanta, Tamarta iyo Biyaha Somalilad Dr. Xuseen Cabdi Ducaale oo maanta warbixin la xidhiidha xaalada abaaraha iyo Biyo la’aanta ka taagan dalka siiyay golaha Guurtida.

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyuhu waxa kaloo uu sheegay inay qorashaynayaan sidii dalka looga samayn lahaa Harooyin waaweyn ee looga faa’idaysan lahaa biyaha badda gala xiliga roobabku ka da’aan Somaliland. Mar uu ka hadlayay abaarihii dhowaan Somaliland ka dhacay oo weli taagan waxa  uu sheegay inay Xukuumaddu ay hawl gal balaadhan ka samaysay gurmadka biyo dhaamiska ah ee laga wado gobolada dalka, isagoo yidhi, “Culimaddu aad iyo aad ayay xukuumadda kala shaqaysay dhinaca gurmadka abaaraha iyo sidii dadka loo taakulayn lahaa waxaanay gacan ka geysteen dhaqaale ka soo ururinta shacbiga. Waxaan u mahd celinaynaa bulshada iyo maal qabeenaddeena.Waxa kale oo aanu aad ugu mahad naqaynaa  tijaarta inala shaqaysata ee Al-jaabiri ka mid yahay. Dalka imika waxa ka socda biyo dhaamis. Guddi ahaan waanu shirnaa waxaana aanu shaxaynaa sida loo hawl galayo.”

“Waxaan arkaa sidii hore si ka duwan aynu uga hortagnay abaaraha waxa  jirtay inaynu hore ha’yadaha uun gacanta hoos dhigan jirnay. Ha’yadihii markaanu aragnay inaanay waxba inoo soo wadin ee waxaanu is nidhi yaynaan iska fadhiyine’e aynu inagu isku gurmano. Waxaana aynu iskugu  gurmanay shacbi ahaan si wanaagsan maanta ma jiraan wax khatar ah iyo dad haraad iyo gaajo u dhintay taasi oo ay sabab u tahay in shacbigu isku gurmadeen,”ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in Guddiyada abaaraha ay daadejiyeen oo ay sameeyeen heer gobol illaa degmo waxaanu tilmaamay inay si wanaagsan u gaadhsiiyeen dadka abaaruhu tabaaleeyeen gurmadkii biyo dhaamiska ahaa iyo raashin mucaawimo ah oo uu xusay inay ugu deeqeen Bisha cas ee Imaaraadka carabta kaas oo isna loo qeybiyay dadka abaaruhu hayaan.

Wasiirka oo la weydiiyay  waxa xukuumadda cusub  ee Somaliland uga meel yaala biyaha roobka ee sanad walba ku dhaca badda, waxaanu yidhi “75% roobka ILAAHAY inoo shubo wuxuu gala badda haddii aan arrintaasi wax laga qabanna sidaasi uun baynu u haraadanaanaynaa. Qabashada biyuhu  waxay u baahan tahay mashaariic waaweyn iyo lacago aad u badan. Haddii ay lacagtaasi u baahan nahay waa inaynu meel uun ka bilownaa. Arrinta ugu horaysa ee aanu doonayno inaanu  wax ka qabano waa deegaanka Hawdka ah ee dalka oo dhan haddii aad is tidhaahdo ceelal ka qod way adag tahay inaad ku najaxdo biyuhu way fog yihiin haddii aad gaadhana waa qadhaadh. Waxa noo qorshaysan sannadkan inaanu samayno  harooyin waaweyn oo biyaha roobka ee badda galaya aynu ku joojino.waxaanu doonaynaa in harooyinkaasi  aanu ka samayno deegaanada hawdka ah oo dhan. Waxa kale oo  aanu wadnaa sidii aynu maalgelin ugu dooni lahayn biyo xidheeno waaweyn.”

Wasiirka Macdanta iyo Biyuhu wuxuu sheegay in Magaalada Hargeysa dadka ku nooli ay 60% ay Booyadaha ka shubtaan biyaha “Qasabadu  way ku jirtaa Gurigayga saacaddu dhawr bilood ka hor halkii ay taagnayd markii aan soo galay ayay wali taagan tahay oo ma jiraan wax biyo ah oo ka soo dhacay Anigoo ah Wasiirkii Biyaha waxaan shubtaa Booyad Maareeyaha Biyuhuna wuu ogyahay. Lacagta biyaha aan ku shubtaa waa lacag ka badan Boqol Dollar. Maareeyaha wakaalada Biyaha Hargeysi waxba kama qaban karo biyo la’aanta ka jirta caasimada Beebabka magaalada biyaha keenaa wax badan laguma kordhin karo.”

Dr. Xuseen Cabdi Ducaale wuxuu sheegay inuu ka hawl galay sidii ay  magaalada Hargeysi u heli lahayd biyo ku filan isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Anigu aad iyo aad ayaan uga hawl galay biyo yaraanta magaalada Hargeysa waxaanan Nairobi kula kulmay deeqbixiyeyaasha oo aan u bandhigay  baahida weyn ee  Magaalada Hargeysa u qabto biyaha. Waxa jira mashruuc aanu doonayno in lagu balaadhiyo Biyaha Hargeysa oo aanu  filayno in Midowga Yurub inoo soo ogolaan doono. Mashruucaasi wali lama ansixin laakiin rajo aad u weyn ayaanu ka qabnaa in lacagtaasi badh la helo waxaanu mashruucaasi ku kacayaa $30 Mly oo Dollar. Dalalka carabta laftooda waan kala hadlay markii aan tagay.” Ayuu yidhi.
Dhinaca kale Wasiirka oo Markii Fadhigaasi Golaha Guurtidu xidhmay ka dib, ay dood adag wada yeesheen Mudanayaal ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland oo uu ka mid yahay Xildhibaan X.Cabdi Waraabe iyo Xildhibaano kale oo ka soo jeeda Deegamada Koonfurta Hargeisa ayaa shuruud uga dhigay gaadhsiinta Xaafadaha aanay biyuhu sida fiican u gaadhin ee koonfurta Hargeisa in la helo ceelal biyood oo cusub,waxaanu cadeeyey inaanay xiligan Qorshaha ugu jirin sidii Xaafadahaasi looga haqab tiri lahaa Biyaha,iyada oo aan la samayn ceelal Cusub oo biyo laga soo saaro, isla markaana inaanay ka wasaarad ahaan waxba ka hagranayn biyo yaraanta xaafadaasi ka jirta, oo sida uu xusay ay sabab u tahay kala saraynta dhulka iyo biya yaraanta Ceelasha hada ay Magaaladu ka cabto oo uu sheegay inaanay ku filnayn Xaafadaha Magaalada oo dhan.
Xuseen Cabdi Ducaale Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Waxa uu intaasi ku daray in uu ku dedaalayo sidii loo samayn lahaa ceelal biyood oo cusub si Dadweynaha ku dhaqan Xaafadaha Magaalada Hargeisa iyo Dhamaan Magaalooyinka Dalka loogu wada helo biyo ku filan,taasoo sheegay inay ku xidhantahay hadba sida ay dadweynaha iyo dawladu isaga kaashadaan horumarinteeda,isaga oo tilmaamay in bulshada looga baahanyahay ka faa’idaysiga Biyaha Roobka ee Bada gela,waxaanu si cad u qeexay in hadii dadku biyo Xidheeno samaystaan xiliga Roobka,iyaga oo uga faa’daysanaya Waraabka Beeraha ay dhinaca kale dawo ka noqon karto biya yaraanta dalka ka jirta.
X. Cabdi Kariin oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ugu da’da weyn, kana tirsan Xildhibaanada ka soo jeeda Xaafadaha Koonfurta Hargeisa ayaa isaguna dhiniciisa Wasiirka kula dardaarmay in uu ka hawl galo sidii Xaafadaha Magaalada si cadaalad ah loogu qayn lahaa,loona gaadhsiin lahaa lixda waaxood ee Caasimadu ka koobantahay Biyaha ku filan.
Xildhibaan X.Cabdi Kariin (X.cabdi waraabe) waxa uu intaasi ku daray in dawlada looga baahanyahay ka midho dhalinta wixii ay balan qaaday,isaga oo wasiirka ku adkeeyey maaraynta baahiyaha biyo la’aanta ah ee horyaalaha iyo sidii uu ula dabaalan lahaa ,kuwaasoo sida uu xusay Xaajigu ugu darantahay biyo la’aanta ka taagan Xaafadaha Koonfurta Hargiesa iyo Deegaamada Hawdka Gobolka Maroodi-jeex.
Waxa iyaguna Sidoo kale Wasiirka u soo jeediyey talooyin la xidhiidha wax ka qabashada Biyo yaraanta ka jirta dalka gaar ahaan Caasimada Hargeisa qaar ka mid ah Mudanayasha Golaha Guurtida ee Fadhigaasi ka soo qayb galay,kuwaasoo ugu baaqay wasiirka Macdanta,biyaha iyo tamarta in uu si deg deg ah u hir geliyo qorshe Cusub oo uu wax kaga qabanayo baahiyahaasi biyo yaraaneed iyo sidii looga bixi lahaa,isaga oo wasiirkuna madaxa u ruxay dhamaan talootinkaasi ay mudanayaashu u soo jeediyey,xusayna in uu arimahaasi ku gudo jiro wax ka qabashadooda,balse looga baahanyahay bulshada inay dhineecada ka dedaasho oo ay wax qabsato.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *