Berbera(ANN)Guddoomiyihii shabakeda wararka ee Berbera News Mr Maxamed Siciid Cabdilaahi [Xarago], ayaa xabsiga loo taxaabay maanta, isagoo ku sugnaa  xarunta gobolka Saaxil  ee  Berbera l, ka dib markii uu gacantiisa ku soo qabtay taliyaha CID-da gobolka Saaxil Ibraahim Dhegosayn. Wariyaha

 

ayaa wakhtiga la xidhay ku sugnaa xaafada Moscow ee magaalada Berbera, lama garanayo sababta iyo ujeedada ka danbaysa xadhigiisa, waxaana gacantiisa ku kexeeyey taliyaha CID-da, oo si aan sharciga waaqsanaynayn, isla markaana ka soo horjeeda xuquuqda bina’aadanimada, isagoo  ula dhaqmay si foolxun  oo ku jeexjeexay shaadhkii uu xidhnaa wariyuhu.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Saaxil Col. Cabdiraxmaan Ibraahin(Cabdi Dheere) oo shebekada wararka ee Araweelonews wax ka weydiisay xadhiga weriyahaa ee sharcidarada ah iyo sababta loo xidhay ayaa yidhi, “Adeer arrinta weriyahaa iyo sababta xadhigiisa hada ayaan gacanta ku haynaa, mana jiraan wax aan hada kaaga sheegi karaa ee horta aan helo warkiisa.”
Warar kale oo xadhiga weriyahaa la xidhiidha oo ay shebekada wararka ee Araweelonews heshay ayaa sheegaya in amarka xadhiga weriyahaa uu bixiyay xaakin waqtigii maamulka Rayaale ku amar ku taaglayn jiray magaalada Berbera oo u muuqan jiray xaakin jooga waqtigii naasiga, isla markaana  xukuno iskaga ridi jiray dadka. Kaas oo dhawr sanno ka hor isagoo maqan weriyahaa ku xukumay xadhig.

Guddomiyaha Shebekada Berbera News  Maxamed Siciid C/llaahi wuxuu hawlo shaqo u joogay magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera, ilaa hadana si dhab ah loo oga dambiga uu galay ee lagu haysto iyo cida ka dambaysa xadhiigsa ee amartay in la xidho.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *