Hargeysa(ANN) Wasiirkii hore Maaliyadda Somaliland Cawil Cali Ducaale ayaa si qarsoodi ah dalka uga baxay doraad sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay saraakiil ka tirsan xisbiga mucaaridka UDUB.“waxa lagu qoray $ 500 (shan boqol ) oo dollar

oo qaadhaan ah, lacag xisbiga loo ururinayay. Kadibna waxanu ku war helay inuu dhoofay, mana garanayno meel uu tegey. Laakiin inuu Nairobi u baxay ayaan filayaa.” Sidaa waxa yidhi sarkaa ka tirsan xisbiga UDUB oo codsaday in aan magaciisa la sheegin, isagoo la hadlayay shebekada  Araweelonews.   
Wararka qaar ayaa sheegaya inuu Mr. Cawil socdaalkiisu ku wajahan yahay dhinaca Koonfurta Soodaan ee Juba, balse waxa jira warar kale oo sheegaya inuu ka hor inta aanu halkaa tegein sii marayo dhinaca dalka Kenya ee Nairobi.

Mr. Cawil Wararka Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Mr. Cawil Cali Ducaale si dhab ah looma oga inay socdaalkiisa ka war hayso Xukuumadda Somaliland iyo inay la socdaan Hay’addaha hanta dhawrka guud ee qaranku, maadaama uu Mr. Cawil ka mid ahaa masuuliyiin ka tirsan xukuumaddii hore oo ay ku socotay baadhis la xidhiidha hanta lunsi iyo wax isdaba marin mudadii siddeeda sannadood ee ay xukunka  hayeen. Hantidhawrka guud oo aanu isku daynay inuu la socdo safarka wasiirkii hore ee Maaliyadda  ayaanay noo suurta gelin.

Dhinaca kale socdaalka Mr. Cawil ayaa kusoo beegmay, iyadoo ay  Xukuumadda cusubi golaha wakiiladda Somaliland u gudbisay miisaanayidii u horaysay oo 70% ka baddan miisanayidii ugu danbaysay ee Xukuumaddii Rayaale, taas oo uu Wasiir Maaliye ka ahaa Cawil sideeddii sannadood ee u danbeeyay.  
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *