Hargeysa(ANN)Labada Taliye  ee ciidamadda Millateriga iyo Bilayska Somaliland General Nuux Ismaaciil Taani iyo General Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal), ayaa  sheegay inay ciidamada amaanka Somaliland ku hareeraysan yihiin koox hubaysan oo tiradooda lagu qiyaasay dhawr boqol oo maanta ciidanka amaanka ee xeebta gobolka Awdal ku bexeen.

 

 Kadib markii ay iyaga oo wata Doon kuwa kaluumaysiga ah habeen hore halkaa kala degeen hub, isla markaana ku daabusheen saddex gaadhi oo nooca loo yaqaan waaraadka ah.

Taliyayaasha labada ciidan ee Milateriga iyo Bilaysku waxay sheegeen in laba nin oo ka mid ah kooxdaa iyo saanad hub ah oo ay lahaayeen ay hada Ciidamadu gacanta ku hayaan. Sidoo kalena gacanta lagu hayo Dukumentiyo iyo laba ka mid ah gaadiidkii ay ku qaateen hubka  oo  gacanta lagu dhigay.

Laakiin waxay xuseen inay kooxdaa intii kale gashay Buuraleyda dhinaca xeebta galbeed ee Awdal oo u dhaxaysa xuduudaha dalalka Ethoipia, Somaliland iyo Djibouti. Sidaa awgeed ay ciidamada Somaliland iyo kuwa Ethiopia ku hareeraysan yihiin kooxdaa oo ku jira laba Buurood oo ku yaala halkaa oo magacyadoodu yihiin Buurta Libaaxe  iyo  maar maar.

 Taliyayaasha ciidamaddu waxay sidaa ku sheegeen shir jaraa’id oo ay caawa caweyskii  ku qabteen xarunta baadhista Denbiyada C. I. D ee  magaalada Hargeysa.

Dhinaca kale warar shebekada araweelonews caawa heshay ayaa sheegaya in labada Nin ee la qabtay oo kasoo jeeda deegaanka kililka shanaad ee Somalida Ethiopia la keenay xarunta gobolka Awdal ee magaalada Boorame, iyadoo qaar ka mid ah dadka deegaanku sheegeen in kooxdaa tiradooda ilaa 250 lagu qiyaasay, kuwaas oo ku hubaysan hub culus, kaas oo ay qaar ka mid ah kaga tageen halkaa ka hor intii aanay Buuraleyda gelin. Ka dib markii ay qaadi kari waayeen.

Kooxdaa ayaa loo malaynayaa inay ka tirsan yihiin jabhada OLNF, taas oo qayb ka mid ahi hore u sheegeen inay sii wadayaan dagaalka. Kadib markii dhowaan heshiis dhexmaray xukuumada Ethopia iyo qayb ka mid ah ONLF, taas oo ay garab ka mid ahi ku gacan saydheen. Masuuliyiinta ciidamadda Milateriga iyo Bilayska Somaliland ma cadayn cida ay yihiin kooxdaa hubaysani, balse waxay sheegeen in ilaa iyo hada raadka ay hayaan ku xaqiiqsadeen inay ka yimaadeen raggaa iyo hubkoodu dhinaca Eretria Ducumentiyo laga helay.

Dadka deegaanka ayaa xaaladan aad uga werwersan, isla markaana waxa calaamatu su’aal saaratahay xaqiiqda dhabta ah ee kooxdaa iyo sida ay deegaanka u aaminayeen. haddii aanay ahayn dad u dhashay, ama aanay ku xidhiidh la samayn maamulka iyo masuuliyiinta gobolka, iyadoo ay halkaa ku sugan yihiin ciidamo milateri ah iyo kuwa Ilaalada xeebaha Somaliland, balse wararka qaar ayaa sheegayay habeen hore markii ay soo bexeen wararka sheegaya kooxdaasi inay labada masuul ee ciidamadaasi ka war hayeen arrintaa. laakiin ay isku maandhaafeen. kadib markii muran iyo khilaaf ku saabsan kooxdaasi  dhexmaray   Buuraleyda ay galeen kooxdaa ayaa ah kuwa silsilada ee xidhiidhsan ilaa Ethopia, isla markaana ku teedsan magaalada Dirir dhaba.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *