Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland, ayaa gaashaanka ku dhuftay casuumad marti-qaad ah oo lagu casuumay shirka Soomaalida ee lagu qabanayo bisha June sannadkan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kaas oo daba socday shirkii 23 Feb, 2012, lagu qabtay London.Wasiirka
Arrimaha Debeda Somaliland, Maxamed C/llaahi  Cumar oo maanta safar ugu baxay dalka Djibouti, ayaa Idaacada  BBC-da ka sheegay  inaanay Somaliland ka qayb galayn shirka Istanbul,  haddii aan wax laga bedelin qaabka shirkaa loo maamulayo, kaas oo sida uu  sheegay  inuu Somaliland ka dhigayo Gobol ka mid ah Somaliya.
Dr. Maxamed C/llaahi, wuxuu isagoo arrintaa ka hadlaya, wuxuu yidhi,  “ Shirka Turkiga Ajandaha lagaga hadlayaa xagga Siyaasadda ayuu u badan yahay Somaliland-na ma khuseeyo, waayo Road Map-ka kamay mid ahayn, sida loo soo dhigayna waa mid ka hor imanaya madax banaanidii Somaliland, markaa waxaanu Turkiga ka codsanaynaa inay Ajandaha dib u eegaan oo ay nasiiso Mustawihii aanu kaga qayb galnay shirkii Ingiriiska.”
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha debeda Somaliland, waxa la weydiiyay sida ay u arkaan Dastuurka Somaliya ee la Ansixinayo, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “ Distoorka Somaliya loo samaynayo ma khuseeyo Somaliland, waanu ognahay Distoorkaasi inuu sheeganayo Gobol Somaliland ah, waana arrin cawaaqib xumo keeni karta haddii sheegashadaas la sii wado” ayuu yidhi
Sidoo kale mar uu ka hadlayay Salaadiin  Somaliland ah oo  Muqdisho tagtay wuxuu yidhi,  “Baarlamaanka Somaliland, waxay dhawaan Xukuumadda u ogolaadeen in ay iyadu ka qayb gali karto oo kaliya shirarka lagaga hadlayo arrimaha Siyaasadda, cid kale oo fasax loo siiyay ma jirto, Salaadiintu iyagaa dalkooda cid walba uga Lexejeclo baddan,  laakiin madax dhaqameedka taga waa Danbiile Qaran sharcigaana la horkeeni doonaa marka la qabto” ayuu yidhi.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *