Hargeysa(ANN)Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa muddo kooban u cayintay in ganacsatadu ku soo bixiyaan cashuuraha ku baaqday oo la sheegay inay gaadhayso ilaa hal milyan oo dollar ($1 milyan dollar), kadib markii Rugta Ganacsigu dhexdhexaadin ka gashay khilaaf la xidhiidha bixinta cashuurta

 

oo soo kala dhexgalay wasaaradda iyo ganacsatada.
Qoraal wargelin ah oo Wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ku socodsiiyey ganacsatada Somaliland ee aan bixin cashuurta oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya soo gaadhay xalay, ayaa lagu sheegay in ganacsatada cashuurta lagu leeyahay ay muddo laba toddobaad ah ku soo bixiyeen cashuuraha ku maqan, isaga oo wasiirku qoraalkiisa wargelinta ah ku xusay in ganacsatada haysata juwanno sax ah oo cashuurta ku bixiyeen ay keenaan xafiiskiisa.
Qoraalka wargelinta ee ka soo baxay Wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, waxa uu isaga oo faahfaahsan u qornaa sidan:
“Annagoo tixgelinayna codsiga Guddida Rugta Ganacsiga waxa mar labaad lagu wargelinayaa ganacsatada aan bixin cashuurta lagu dallacay ee 2008, inay ku soo bixiyaan muddo laba toddobaad ah oo ka bilaabmaysa taariikhda warqaddan. Ciddii haysata juwan sax ah oo ay ku bixiyeen cashuurtaasna waxay keenayaan xafiiska Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda,” ayuu wasiirku qoraalkiisa ku soo koobay.
Dhinaca kale, Maamulaha Kastamka Berbera Mr. Cali Bulubul oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa isaguna sheegay in ganacsatada lagu leeyahay cashuuro ku baaqday oo xaddiggeedu dhan yahay ilaa $1milyan oo dollar, isaga oo xusay in Rugta Ganacsigu ku guulaysatay inay dhexdhexaadin ka gasho muranka dhinaca cashuuraha la xidhiidha ee u dhexeeyey Wasaaradda Maaliyadda iyo ganacsatada Somaliland ee lagu eedeeyey in cashuuro tiro badan ku baaqdeen sannadkii 2008.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa horraantii bishii July ee sannadkan 2011 ku dhawaaqay inay xisaabtan iyo cashuur-bixin kala quusteen tujaarta waaweyn ee dalka, isla markaana xilligan dacwadooda u gudbiyeen maxkamadda, balse lama oga in go’aankaasi wasaaraddu ka noqotay iyo in kiiskaasi weli ku jiro maxkamadda, maadaama hadda wasiirku soo saaray qoraalka wargelinta ah ee uu kaga codsanayo ganacsatada inay muddo laba toddobaad gudahood ah ku bixiyaan cashuuraha ku baaqday.
Xigasho Jamhuuriya

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *