Berbera(ANN)Wasiirka Wasaarada cadaaladda Somaliland Dr. Xussen Axmed Caydiid oo  booqasho  kormeer oo la xidhiidha  sidii uu wax uga ogaan lahaa siyaalaha  ay ushaqeeyaan maxkamaddaha dalka iyo waliba xaalada ay ku sugan yihiin maxaabiista ku kala xidhan xabsiyada dalka ayaa

 

sheegay inuu xabsiga Berbera ku arkay wax ka yaabiyay. kadib markii uu  shalay  subaxnimadii kormeer shaqo ka bilaabay xarumaha garsoorka ee magaalada Berbera. kadib markii uu kasoo laabatay gobolada Togdheer iyo Sanaag  oo uu booqday xabsiyada iyo Hay’addaha garsoorka ee ka jira.
Wasiirka cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid uu kormeeray xabsiga magaalada Berbera oo ay ku xidhan yihiin maxaabiis fara badan oo ay kamid yihiin budhcad badeed somaliya, wuxuuna qol qol u galay xabsigaa oo uu warbixino cabashooyin oo dhinaca cadaaladda ah  iyo duruufaha noloshooda kaga dhegeystay maxaabiista ku xidhan.

Wuxuuna  markii uu dhameystay xaalada ay ku sugan yihiin maxaabiistu hadal uga jeediyay  maxaabiista gudaha xabsiga isaga oo ku wargaliyay maxaabiista in uu xabsiga usoo dhexgalay sidii uu xaaladooda wax uga ogaan lahaa Qof kasta oo cadaalad -daro ka cabanayana uu u dhageysan lahaa cabashadiisa, wuxuuna  ku macneeyay qorshihiisa  mid qayb ka ah sidii  ay  u fulin lahaayeen Balan qaadyadii uu xisbiga talada haya  ee Kulmiye u balan qaaday shacbi weynaha reer Somaliland ee ahaa in waxbadan laga Qabanayo cadaaladda-eada  dalka oo shacbi weynaha reer Somaliland aad uga caban jireen.
Sidoo kale  waxa uu sheegay wasiirku inay iyana Kamid tahay kormeerkiisa inuu wax badan ka ogaado xaalada nololeed ee maxaabiista ku kala xidhan xabsiyada dalka Isaga Oo wasiirku sheegay in uu kormeeradiisa ku soo maray gobolada Sool,Sanaag,iyo Togdheer wax badanina ay goboladaas Maxkamadohooda iyo xabsiyadooda uga soo baxeen kormeerkaa.

Wasiirka cadaaladda ayaa maxaabista xabsiga Berbera ku xidhan noloshooda ku tilmaamay mid wanaagsan oo aad uga wanaagsan nolosha maxaabiista uu xabsiyada uu soo maray ee bariga somaliland balse waxa uu wasiirka cadaaladu ka dayriyay dhismaha xabsiga berbera oo ah dhisme uu dhisay Turkigii kaas oo ah mid gaboobay oo marka horena loo sameeyay ayuu yidhi wasiirku xabsi adoonsi wakhtigaa Turkigu uu sameysanaayay una baahan in la bedelo dhismihiisa oo laga dhigo xabsi bina,aadam isaga oo sidii loo dhisi lahaa xabsiga Berbera sheegay inay  wasaarad ahaan u hawl gali doonan, wuxuuna  ugu baaqay Ciidamada ilaalinaya  inay si wanaagsan ula dhaqmaan kana waantooban waxyaabaha lagu xidhayo .
Mar uu si gaara ah  ula   hadlayay dhalinyaro fara badan oo xabsiga ku xidhnaa, waxa  sheegay in aanay askarta ilaalinaysaa soo xidhan,  balse loo keenay oo  keliya inay askartu yihiin kuwa  ilaaliyaal ah oo kaliya. Sidaa awgeed  aanay u baahnayn rabshad lagula kaco
Waxa kaloo uu wasiirka cadaaladu amaan usoo jeediyay Taliyaha xabsiga berbera oo ay ka mahad sheegteen maxaabiista Xabsigaasi ku xidhani iyaga oo wasiirka usheegay in uu siwanaagsana ula dhaqmo cuntooyin wanaagsana loogu sameeyo Xabsiga ay ku xidhan yihiin wax dhibaato ahna aan loo geysan,  balse waxa iyagu xadhigooda cadaalad daro ku tilmaamay todoba(7) nin oo Ku eedeysan Budhcad badeednimo oo dhawaan markab dagaal oo ruushaka laga leeyahay ku daadiyay xeebaha bariga Berbera. kadib markii kooxdaa oo  u dhashay deegaanka Puntland ka soo qabqabtay biyaha caalamiga ah. Markabkaa oo  sadex kamidana  kooxdaa toogasho ku dilay laashkii ay Wateena ka burburiyay, kuwaas oo ku dooday  in aanay budhcad- badeed aheyn ee ay kaluumeysato ahaayeen markabkaasina Si khaldan u weeraray qaarkoodna laayay.

Wasiirka cadaaladda Somaliland Xussen Axmed Caydiid ayaa markii uu dhameystay kormeerka xaalada guud ee xabsiga Berbera waxa uu kulan  la qaatay Gudoomiyayaasha Sadexda maxkamood ee Berbera,  kaaliyayaashooda iyo  xafiiska Badhasaabka gobolka Saaxi, iyadoo ay madasha kusoo urureen  oo ay soo buux dhaafiyeen dadweyne badan oo ka cabanayay cadaalad daro, kuwaas  oo markii ay maqleen booqashada wasiirkii cadaaladda isu soo urursaday sidii ay wasiirka ugu sheegi  lahaayeen  in aanay wali waxba iska bedelin cadaalad-daradii  i baahsaneyd ee ka jirtay maxkamaddaha dalka,  balse ka hor intii aanu wasiirka cadaaladdu dadweynahaa la kulmin waxa uu warixino ka dhageystay gudoomiyayaasha maxkamadaha Berbera, waxayna  dhinacooda muujiyeen  cabasho la xidhiidha xafiisyo la,aan haysata iyaga oo wasiirka u sheegay inay qolal yar yar ay dacwadaha ku qaadaan oo xukunadda  ku fuliyaan, kuwaas  oo  mararka qaarna  xafiisyo u ah, isla markaana  maxaabista iyo dhageystayaashuna is dhexgalaan meesha oo yar awgeed.

Wuxuuna wasiirka Cadaaladdu  gudoomiyayaasha maxkamaddaha  u sheegay inay gacantooda ku jirto cadaaladdii lagu Kala hagayay bulshada ku dhaqan gobolkan Saaxil ninkastaana sida uu cadaaladda u ilaaliyo ay ula shaqeyn doonan una dalacsiin Doonan.

Sidoo kale  waxa uu  sheegay in uu socdaalada uu gobolada ku marayay  ujeedadoodu ahayd  xaqiiqa raadinta xaaladaha cadaaladeed ee Ka jirta golada dalka, wuxuuna Dr. Xuseen Axmed Caydiid  isaga oo arimahaa ka hadlaya yidhi, ” waxa dadka lagu kala hagaa waa cadaalad haddii cadaalad la waayana waxba ma jirayaan cadaaladduna waxay hagaagaysaa hadaad hagaajisaan idinku oo ah gudoomiyayaasha Maxkamaddahu horta xabsigiinan Berbera waa fiican yahay  oo kuma jiraan wax mudo dhaaf ah,  dhinaca  noloshana waa goob fiican waana la dhaqaaleeya maxaabiista meelo badan oo aan soo maryna waad ka wanaagsan tihiin.  laaakiin waxan xabsigan Berbera ku kula Kulmay wax aanan xabsiyadii gobolada kale ee aan kormeerayay ku arag hadaan waxaa idiinka  sheego waa maxbuus xabsigan Berbera ku xidhan oo aan wareystay iigu jawaabay sanad xadhiga ayaa Zaad laygu soo diray,  almacna markaan aad usii Wareystay waa anoo aan maxkamad  lay geyn ayaa sanad laygu soo xukumay,  taasina maaha cadaalad qofka waa in danbi ku cadaaddaa.  kadibna la xukumaa  ayuu yidhi Wasiirka Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid.

Waxa kaloo uu wasiirka cadaaladda ee Somaliland ka dhawaajiyay in cadaalad-darada ka jirta goobaha Garsoorka ay fuliyaan garsoorayaasha maxkamadduhu, taas oo uu  sabab uga dhigay garsoorayaasha  oo aan  qaadan wax ku filan oo ay Cadaalad ku ilaaliyaan.

Hase yeeshee waxa uu sheegay in ay arrintaa qorshe u sameynayaan oo ay nolosha garsoorayaasha kor u qaadayan kadibna dabagal buuxa lagu sameyn doono Garsooraha cadaalad- daro lagu qabtana talaabo laga qaadi doono dhinaca kale waxa uu wasiirku sheegay in cadaaladda madax banaani la siin doono.
Wuxuuna  wasiirka Cadaaladdu markaa kadib   dadkii faraha badnaa ee cadaalad -darada ka cabanayay qaar ka mida dhageystay, isagoo  dadkaa u balan qaaday inay  ka dhabeynayaan balanqaadkii xisbiga Kulmiye ee ahaa in cadaaladda la sugo oo  wax badana laga bedelo, wuxuuna ugu bushaareeyay  dadweynahaa in dhawaan ay soo saari doonto xukuumaddu qorshe cad oo lagu hago cadaaladda dalka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *