Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Hay’adda Ilaalinta tayada agabka Somaliland Siciid Saleebaan Mirre oo maanta warbixin ku saabsan hawshooda shaqo iyo waxa ay ilaa hada qabteen uga waramay   Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sharaxaad  ka bixiyay badeecado dhacay oo

ay qabteen iyo qaabka ay u shaqeeyaanba.
Waxa kaloo uu sheegay inay Ganacsatada iyo Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan cuntada iyo Beeraha ee WFP dalka keenaan badeecado dhacay, kuwaas oo ay kumanaan tan oo ka mid ah qabteen, balse ay ku adkaatay inay wax ka qabtaan Hay’adda WFP. Kadib markii sida uu xusay ay mudo lix bilood ah ku qaadatay inay galaan bakhaaradooda.
Guddoomiyaha Haya’ dda Ilaalinta tayada agabka iyo daryeelka Somaliland Siciid Saleebaan Mirre oo warbixin uu kaga  hadlay hawshooda iyo waxyaanaba ay qabteen ilaa hada mudadii ay jirtay Hay’addu  waxa uu ka waramay badeecado dhacay oo ay qabteen waxaanu  isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Bishii labaad ee sanadkan Hay’addu waxa ay joojisay sideed iyo Toban Koontiinar oo daqiiq dhacday ah, labadii Shirkadood ee tii siday iyo tii lahayd ayaan ku kala bixin oo waa lasii daynayn doonaa.

Sidoo kale Bishii labaad ee sannadkan waxay Haya’ddu qabatay oo ay gubtay 510  (shan iyo toban) tan oo dawooyina, Bishii afraad,  400 (afar boqol oo Kiish ) oo daqiiqa ah oo si gaara loo leeyahay ayay Hay’addu ku gubtay Berbera.”
Guddoomiyaha oo tafaasiil ka sii Bixinayay wuxuu yidhi “Bishii Shanaad ee sannadkan 1000 Kiish oo daqiiq ah  oo nin Ganacsade ahi lahaa, isla markaana uu  Hay’adda u soo gacan galiyey ayaanu gubnay, Bishii Lixaad waxaanu furnay Tababar shaqaalaha ah si ay khibrad ugu yeeshaan waxyaabaha dhacay.”
“Bishii Todobaad waxaanu qabanay  1, 700  (Kun iyo Toddoba boqol) oo kiish oo Daqiiq ah, Bishi sideedaad afar boqol iyo Kunton isugu jira daqiiq iyo Bariis ayaanu ku gubnay Berbera, Hargeysa 29-kii bishii ina dhaaftay waxa lagu gubay  121Tn (Boqol iyo Kow iyo Labaatan Tan)  oo isugu jira Sonkor iyo Raashiin kale, waxaanu sameynay Siyaasadii wax lagu baadhayay, waxaanu qaadnay imtaxaan ilaa lixdan qof oo Shaqaalaha Haay’adda ah oo isugu jira khibradaha kala duwan ee ay Haay’ddani u baahan tahay, markaan isku wada geeyo waxyaabihii ay Haay’addu qabatay waxan ku qiyaasi karaa dhawr iyo Toban Kun oo Tan oo isugu jira Cuntooyinka noocyadooda  oo dhan, waxyaabo badan baanu u dirnay Mashiinka wax baadha oo dalka Dibediisa ah, waxaanan ku da’daaleynaa sidaanu u sameyn lahayn Mashiinka wax lagu baadho,”ayuu yidhi Siciid Saleebaan Mirre.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Haay’adda WFP ay meermeerinaysay muddo lix bilood ku siman ka dib markii ay ku qabteen sonkor dhacday, waxaanu yidhi “ WFP inaanu Xafiiskeeda galno oo aanu soo baadhno waxay nagu qaadatay muddo Lix bilood ah intaana way na meermeerinayeen Sonkortan dhacday ee lagu gubay duleedka Hargeysa, waxay tidhi WFP markii aanu ku qabanay dekada dalka Jabuuti ayaanu ku soo gubaynaa si aanay Saxaafadda Somaliland wax nooga qorin warqad ogolaansho ah ayaanu ka haysanaabay yidhaahdeen, taasi been ayay noqotay oo Sonkortii Jabuuti way soo diiday, waana taa lagu gubay Duleedka Hargeysa ee ay dadkii Cuneen, anigu is maan lahayn dad noocaas ayaa Hargeysa ku nool oo Gudaafadda qota, Haay’adda WFP iyo Xukumadda midina masuul kama aha cidii wax ku noqota Sonkortaasi dadkana waxaan ugu baaqayaa inay iska dayaan waxyaabaha dhacay Isticmaalkooda.”
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ Wasiiradda Guddida u ah Hay’addan waxay ka kooban yihiin Wasaaradaha ay khusayso waxaana Wasiirada Guddida looga dhigay si ay markasta Xukumadda ugu cadaato waxay Haay’addani qabanayso Sharcigeedina wali lama ansixin.”
Warbixinta Guddoomiyaha  ka dib waxa halkaa Su’aalo ku weydiiyay Xildhibaanada Guddida joogtada ah, kuwaas oo  Su’aalohoodu  la xidhiidheen  alaabooyinka dhacay ee marma marka ka daynbaysa dalka kusoo badanaya, iyadda oo Guddoomiyaha Haaya’dda tayada  iyo inuu jiro qorshe siyaasadeed oo uga meel yaal sidii dalka looga sifayn lahaa ee looga ilaalin lahaa bulshada badeecadaha dhaca oo dalka lasoo geliyo. Iyadoo gudida qaarkood xuseen dhibaatada caafimaad ee ay badeecadahaasi ku hayaan bulshada.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *