Hargeysa(ANN)Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Maxamed Xasan ayaa laad iyo feedh kaga saaray xafiiskiisa  Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Axmed Cali Xirsi (Sulub),   Koox ka tirsan  Hay’adda shaqaalaha  iyo suxufiyiin ka

 

socday Telefishanka Qaranka. Kadib markii ay soo galeen  shalay suxubaxnimadii xarunta Wasaaradda waxbarashada oo ay doonayeen inay kormeeraan.
Hase yeeshee markii ay galeen Gudoomiye xigeenka Hay’adda shaqaalaha iyo  kooxda  uu hogaaminayay Xafiiska Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxabarshada waxa  uu gudoomiye xigeenku  weriyayaasha la socday  u sheegay inay qaataan sawiro, isagoo leh “shaqaalihii wasaaradda waxbarashadu ma fasax ayay ku jiraan.” Taas oo keentay inuu ka cadhoodo Agaasimaha Guud ee Waxbarashadu, isagoo ku amray inay  uga baxaan Xafiiska, balse muran daqiiqado ah kadib uu gacanta ula tegey, isagoo laad iyo feedh dabada u qabtay.
.
Masuuliyiin ka socday Xukuumadda ayaa markiiba deg deg u yimi xarunta Wasaaradda waxbarashada, kuwaas oo dhexgalay  labada dhinaca ee Agaasimaha guud iyo Gudoomiye xigeenka Hay’adda shaqaalaha.  Masuuliyiinta  arrintooda soo dhex galay waxa ka mid ahaa Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi X Cali, Gudoomiyaha maamul wanaaga Axmed Muxumed Mada. Sidoo  kale waxa iyana goobta yimi Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Feysal Cali Sheekh oo uu weheliyo Agaasimaha waaxda Idaacadda Radio Hargeysa,  kuwaas oo markii danbe dhameeyay dhibaatadii iyo khilaafkii labad dhinac dhex maray. Kadib markii ay kulan albaabau u xidhan yihiin la yeeshay  masuuliyiintaa.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda shaqaalaha oo markii ay ka soo baxeen wadahadalka lagu dhexdhexaadinayay Suxufiyiin madax banaan oo wasaaradda tagay la hadaalay ayaa u sheegay inay dhamaysteen oo la xaliyay khilaafkii dhex maray labadooda dhinac
Gudoomiye xigeenka Hay’adda shaqaalaha  oo hawshiisa ku sheegay kormeer lagu samaynayo xarumaha Hay’addaha dawladda waxa  kale ee ay shalay Kormeer  ku sameeyeen  Wasaaradda Beeraha, Macdanta iyo Biyaha, wasaaradda Maaliyadda, wasaaradda Xanaanada Xoolaha, wasaaradda Dibu-dajinta, wasaaradda Qorshaynta. waxaanu Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Shaqaaluhu markay Kormeerkooda dhameeyeen Saxaafadda u sheegay Ujeedadiisu inay ahayd dar-dar galinta Shaqaalaha Dawladda, isagoo u mahadnaqay masuuliyiintii iyo shaqaalihii ay kula kulmeen Xafiisyadooda.
Maaha markii u horaysay ee masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo sidan oo kale gacanta isula tagaan, balse waxa had iyo jeer dhaca muran iyo khilaaf dhinaca wada shaqaynta iyo waajibaadka shaqo ee ay kala leeyihiin, taas oo la rumaysan yahay inay la xidhiidho awoodaha maamul ee aan qeexnayn dhinaca masuuliyiinta iyo Hay’addaha dawladda  oo sabab u ah dhacdooyinka anshaxa ka baxsan ee noocan ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *