Hargeysa(ANN)Madaxtooyada Somaliland, ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Warfaafinta iyo wacyigelinta Boobe Yuusuf Ducaale. sidaana waxa lagu sheegay

qoraal kasoo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada oo u qornaa sidan:-  “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Digreeto madaxweyne No: JSL/M/XILQ/249/1-1280/082012  xilka kaga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta JSL.

Madaxweynuhu:-

Waxa uu Digreetadaa ku yidhi:-                      

UJEEDO:      XIL-KA QAADIS

Cabdi yuusuf Ducaale (Boobe) wasiirkii wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta

MUDANE,
Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayay dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. 

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta JSL.
Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilkii aad haysay, si ku meel gaadh ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JSL, Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami, inta aan cid u soo magacaabayo.
ALLAA MAHAD LEH” ayaa lagu yidhi qoraalka xilka lagaga qaaday wasiirkii warfaafinta.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
1
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *