Hargeysa(ANN)Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB, ayaa shirweynihiisii golaha dhexe oo aan loo wada dhamayn ku qabsaday shalay hotel Ambassador ee magaaladda Hargeysa, halkaas

 

oo ay ku doorteen musharaxiinta ugu tartamaya doorashada Madaxtooyada marka la gaadho 2015.
Kulan ay iskugu yimaadeen 105 ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee xisbigaas,ayaa lagu doortay murrashaxiinta madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, iyadoo ilaa hadda xisbiga UDUB laga hayn murrashaxiinta uga qaybgeli doona golayaasha degaanka ee loo qoondeeyay dabayaaqada sanadkan inay dalka ka qabsoomaan.

Shirka xisbiga UDUB, ayaa kusoo beegmay iyadoo muran iyo khilaaf weyn oo hadheeyay xisbigaa markii lagaga guulaystay doorashadii Madaxtooyada, taas oo sababtay in gudoomiye xigeenkii xisgaa oo ahaa Madaxweyne xigeenkii hore dhowaan ka baxay xisbiga. kadib markii uu qayb ka noqday khilaafka kala qaybiyay ee xalka loo waayay, isla markaana qaar ka mid ah haldoorkii xisbigaasi galeen xisbiga muxaafidka ee Kulmiye, halka kuwo kalena si habaqle ah ugu biireen Ururo kale.
laakiin iyadoo oo ay weli jiraan khilaaf ka dhex aloosan garabka soo hadhay ee Daahir rayeele oo ah gudoomiyihii xisbga, ayaa shirkaa  wax-ka-beddel lagu sameeyey xeerarka xisbiga, waxaana lagu soo kordhiyey inuu xisbigu yeesho ku-xigeeno guddoomiye, sidoo kale, waxa la kala saaray hoggaanka xisbiga iyo murrashaxiinta xisbigu yeelan doono, iyadoo xilka guddoomiye ee xisbiga loo daahay inuu hayo Md. Daahir Rayaale Kaahin, halka murrashaxiinta madaxweynaha iyo ku-xigeenkana loo doortay Cali Maxamed Warancade iyo Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo ahaa wasiirkii hore ee warfaafinta xilligii Rayaale, waxa kale oo dib loo dhigay in la doorto xoghayaha guud iyo ku-xigeenkiisa oo loo xilsaaray inay guddida fulintu dooran doonto.

Musharaxiintaa madaxweyne iyo madaxweyne-ku-xigeenka u istaagi doona xisbiga UDUB Md: Cali Maxamed Warancade iyo Md: Axmed Xaaji Daahir, ayaa dadkii u coddeeyey u mahadnaqay, waxaanay sheegeen inay hawsha xisbiga iyo dardartiisa ay bilaabi doonaan.

Madaxweynihii hore ee Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga UDUB,  Daahir Rayaale Kaahin ayaa musharaxiinta kula dardaarmay inay hawlaha xisbiga iyo shaqadiisa ay dardar galiyaan, isla markaana shirar la galaan wakiiladda xisbiga ee goboladda.

“Jagooyinka bannaan ee aan la magacaabin waxaannu ku soo dhoweynaynaa ururrradda uu wada hadalku noo socdo ee ku soo biiri doonno xisbiga UDUB,” ayuu yidhi Daahir Rayaale oo ka hadlayey boosas ka bannaan xisbiga iyo cidda ay ka dhigi doonaan, waxaanu intaas ku daray “Ragga murrashiinta ah waxaan leeyahay waa inaad ballan cad la gashaan ragga ka socda gobolada, oo aad u diyaar garowdaan goleyaashii deegaanka.

Ilaahay waxaan ka rajaynayaa inay guul arrimaheenu ku dhammaadaan, Somaliland-na halkii ay UDUB ka soo bilowday iyo halka ay kaga tagtay ummadda ayaa og, waxna ka sheegi maayo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UDUB.

Xisbiga UDUB ayaa waxa uu wad hadal u socdaa shan ka mid ah ururadii ku hadhay diiwaangelinta, haseyeeshee, lama hubo inay ku biiri doonaan maadaama oo shirweynaha ka hor ahayd inay wax isku soo afgartaan, iyagoo wada socdana shirweynaha ay u dhan yihiin wada samaystaan. laakiin talaabada Daahir rayaale ayaa lagu fasiray mid uu isagoo iska indha tiraya inuu waajaho mushkilada hortaal, isla markaana badbaadiyo xisbiga uu si jar iska xoornimo ah ugu gacan geliyay Kooxdii ay isku ahaayeen NSS-ta, taas oo aan muujinayn rajo iyo yidiilo saaxada siyaasada kusoo celisa xisbigaa. waxaana talaabada uu qaaday shirka uu hogaaminayay Daahir rayaale markiiba ka hortimi dhaleecayn saaxiibadiisa ugu dhowaa kaga timi, iyadoo Cismaan C/llaahi Cigaal (Cismaan Hidni) oo hore u shaaciyay inuu u taaganayahay musharaxa doorashada madaxtooyada ee xisbiga si weyn u dhaleeceeyay arrintaa, isla markaana ku tilmaamay shirkaa mid aan sharci ahayn oo aan soconayn.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *