Wasiir Boobe Oo Ka Dib Markii Xilka Laga Qaaday Cadho Kula Dul Dhacay Masuuliyiintii Uu Hore U Eryay Iyo Sayid Oo Uu Dhaawac Soo Gaadhsiiyey Hargeysa(ANN)Wasiirkii Warfaafinta Somaliland oo maanta xilka laga qaaday Boobe Yuusuf Ducaale iyo Gudoomiyihii hore ee Wargeysa DAWAN Seyid Cismaan Mire oo Wasiirku

 

xilka ka qaaday isaga iyo Agaasimihii Telefishnaka dawlada, ayaa gacan ka hadal ku dhexmaray maanta Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa. gacan ka hadlakaa ayaa dhaawac kasoo gaadhay Seyid Cismaan Mire oo ahaa gudoomiyihii hore ee Wargeyska Dawan, kaas oo ka jabay gacanta Midig.
Dad goobjoog ah, ayaa sheegay inay Wasiirka oo mudo yar ka hor loo keenay digreetada xilka lagaga qaaday ay isku afdhaafeen Seyid oo ka mid ahaa masuuliyiinta waaxaha wasaaradda ee uu Muj. Boobe xilka ka qaaday todobaadkii hore, taas oo sababtay khilaaf soo kala dhexgalay Wasiir Boobe iyo Madaxtooyada, isla markaana uu wasiirku ku adkaysatay inaanu aqbalayn inay kusoo noqdaan wasaaradda, taas oo uu sabab uga dhigay inay hormood u yihiin khilaaf mudooyinkii u danbeeyay ka taagnaa wasaaradda warfaafinta.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *