Hargeysa(ANN)Madaxtooyada Somaliland, ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Warfaafinta iyo wacyigelinta Boobe Yuusuf Ducaale. sidaana waxa lagu sheegay
qoraal kasoo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada oo u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Digreeto madaxweyne No: JSL/M/XILQ/249/1-1280/082012 xilka kaga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta JSL.
Madaxweynuhu:-
Waxa uu Digreetadaa ku yidhi:-
UJEEDO: XIL-KA QAADIS
Cabdi yuusuf Ducaale (Boobe) wasiirkii wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta
MUDANE,
Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayay dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta JSL.
Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilkii aad haysay, si ku meel gaadh ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JSL, Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami, inta aan cid u soo magacaabayo.
ALLAA MAHAD LEH” ayaa lagu yidhi qoraalka xilka lagaga qaaday wasiirkii warfaafinta.