Hargeysa(ANN) Wasiirkii hore ee Warfaafinta Muj. Boobe Yuusuf Ducaale oo Madaxweyne Siilaanyo ka qaaday xilka doraad, ayaa ku gacansaydhay inuu fuliyo xil wareejinta

 

digreetada xilka lagaga qaaday, taas oo uu ku xidhay shuruud. Buube wuxuu sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu soo saaray, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya ku yidhi qoraalkiisa sidan:-  “Aniga oo ah Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), una dallacay derajada ah Wasiirkii hore ee Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland,

waxaan halkan ku soo saarayaa war-saxaafadeedkan ku saabsan arrimaha la xidhiidha xil-wareejinta. Waa war-saxaafadeed kooban oo ku saabsan arrintaa xil-wareejinta oo keliya. Sida xil-ka-qaadistaydu ku timid waa dhacdo kale oo maalinteeda ama maalmaheedaba yeelan doonta, waana la iga dhur-sugayaa inta aan xilka dawladnimo wareejinayo, damiirka xalan ayaana sidaa I faraya.

27/8/12ka, waxaan soo saaray Go’aammo Wasaaradeed oo ku suntanaa Ref: 05/08/2012ka, oo uu ka mid ahaa:

Si ku-meel-gaadh ah in uu Xasan Maxamed Maxamuud oo ahaa Agaasimihii Waaxda Maamulka iyo Xisaabaadka TV-gu xilkiisii ugu wareejiyo Maxamed Sheekh Maxamuud Cawaale oo ah Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Xisaabaadka ee Radio Hargeysa.

Xil-wareejintaas  waxa hirgeliyay Guddidii aan u magacaabay oo ka koobnayd Agaasimaha Guud, Agaasimaha Radio Hargeysa iyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta. Intaas waxa raacsanaa xil-ka-qaadista Agaasimihii Tv-ga Qaranka iyo Guddoomiyihii Dawan Media Group, oo halkoodii aan laba Agaasime oo cusub u magacaabay. Xil-wareejintaasi mid fulaysa uma eka, in kasta oo aan u muddeeyay maalinta Sabtida ee ay Bishan Ogos 1da tahay.

Aniga oo mar walba Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahad-celinaya magacaabistaydii hore iyo xil-ka-qaadistaydan danbeba, milge iyo maamuus badanna ugu haya qiimaynta uu I qiimeeyay, waxaan war-saxaafadeedkaygan kooban ku dalbanayaa:

1.      In aan la gar-garoocan Go’aammadaydii ama Digreetadaydii Wasaaradeed oo aanay qaarna dhadhan samayn oo aan lagu degdegin kala-wareejinta, qaarna aan isha laga qarsan oo aanay fulin,

2.      In xilalkii aan magacaabay xil-wareejin rasmiya oo ta Wasiirka ka horreysa loo sameeyo maa daama ay kala horreeyeen, milgaha dawladnimana sidaa ina farayo,

3.      Haddii kale in Madaxweynaha JSL soo saaro go’aan uu ku burinayo Go’aammadii ama Digreetadii Wasaaradeed ee 27kii bishan dhammaanteed ama qaybo ka mid ahba,

Waxaan halkan ku caddaynayaa in aan u hoggaansanahay hirgelintada Digreetadii Madaxweynaha ee xil-ka-qaadistayda, mahad iyo abaalna ugu hayo walaalkaygii halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo.

Gobannimo dadkaa mudan,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *