Hargeysa(ANN)Ilaa Afar  Askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska iyo tiro ku dhowaad shan ka mid ahaa qoxooti Barakacayaal ah oo u dhashay Qoomiyada Oromada ee  Ethiopia oo

 

ku sugan Hargeysa ayaa ku dhaawacmay. kadib markii maanta iska horimaad ka dhacay xaafada Shacabka ee Magaalada Hargeysa dhexmaray ciidanka Booliska iyo qoysas qoxooti ah mudo deganaa guri ku yaal xaafadaa oo Hay’adda UNHCR ku quudin jirtay.
Muwaadin u dhashay Somaliland oo lahaa gurigaa ayaa dawlada ka dalbaday in looga raro qoxootigaa oo mudo dhawr bilood ah xoog ku deganaa gurigaa oo kasoo horjeeda dhismaha wasaaradda Qoyska Somaliland oo ku taal xaafada shacabka ee magaalada Hargeysa, waxayna qoysaska qoxootiga oo Hay’adda UNHCR siin jirtay dhaqaale faro guudkood ah oo lacag ahaan loo siin jiray ka joojisay, balse qoxootiga ayaa gurigaa oo dhisme weyn ah iyo hareerihiisa degnaa mudadaa, iyagoo goobtaa dhismaha gurigaa u bedelay xero qoxooti oo qoysas boqolaal ahi dusha iska fuuleen.Hase yeshee muwaadinka guriga lahaa oo mudo ka dacwoonayay gurigiisa qoxootigu haystaan, ayaa saaka amar lagu siiyay cutub ka tirsan ciidanka booliska inay ka dareeriyaan gurigaa, balse dadka qoxootiga ah, ayaa diiday amarka booliska, waxayna kala hortageen ciidanka Faashash, Mindiyo iyo Budhadh, iyagoo dhaawacyo kala duwan gaadhsiiyay ilaa afar ka mid ah ciidanka hawlaglka fulinayay, waxayna Boolisku weerarka dadkaa kaga jawaabeen tacshiirado rasaas ah oo socday ku dhowaad saacad, taas oo keentay in dadka qoxootiga ah ee rabshada sameeyay ugu yaraan Afar ka mid ah dhaawacyo soo gaadhaan.
Taliyaha Ciidanka booliska Col. C/llaahi Fadal ayaa duhurkii soo gaadhay goobta, wuxuuna dejiyay xaalada, isagoo ku amray Booliska inay ka baxaan goobta oo ay joojiyaan hawlgalka la doonayay in guriga laga raro qoysaskaa qoxotiga ah ee  khasabka ku deganaa mudada dheer.
Talaabada ay ku kaceen dadka qoxootiga ah, ayaa la yaab ku noqotay Booliska iyo bulshada ka warheshay tacshiiradaha rasaasta oo duhurkii laga dareemay dhawaaqeeda magaalada Hargeysa, waana markii u horaysay ee sidan oo kale dad qoxooti ah ay guri qof muwaadin ahi leeyahay xoog ku degaan, isla markaana weerar gacan ka hadal ah  kaga jawaabaan amarka xukuumadda ee boolisku ku doonayeen inay kaga raraan dhismaha gurigaa.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *