Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa caawa magcaabay wasiirka Warfaafinta Somaliland, wasiir ku xigeen cusub, Afhayeenka Madaxtooyada, Gudoomiyaha Gobolka Gebilay iyo Maareeye cusub oo uu u magcaabay Telefishanka qaranka.

 

 

sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay caawa Madaxtooyada, kaas oo lagu sheegay in wasiir cusub loogu magcaabay wasaaradda. kadib markii Madaxweyne Siilaanyo laba maalmood ka hor ka qaaday xilka wasiirkii hore Boobe Yuusuf Ducaale, waxaana loo magcaabay xilka Abiib Diiriye oo hore u ahaa La taliyaha madaxweynaha. sidoo kale Afhayeenkii Madaxtooyada C/llaahi Daahir Cukuse, ayaa loo magcaabay wasiir ku xigeenka warfaafinta, iyadoo Agaasimihii Telefishanka qaranka Axmed Saleebaan Dhuxul oo wasiirkii hore ka eryay wasaaradda loo magcaabay Afhayeenka Madaxtooyada. sidoo kale Maareeye cusub loo magcaabay Telefishanka qaranka iyo Badhasaab csub oo Gebilay loo magcaabay.
Qoraalka masuuliyiintaa Madaxweynuhu xilka ugu magcaabay, ayaa u qornaa sidan: ” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto madaxweyne No: JSL/M/XERM/2491283/082012 Xilal kala duwan ugu magacaabay wasiirka Wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta, wasiirku xigeenka Wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta  JSL, Gudoomiyaha Gobolka Gabiley,   Afhayeenka Madaxtooyada JSL, iyo Maareeyaha Telefishanka Qaranka ee madaxa banaan.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:      Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee  Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tixgeliyey:       Ahmiyadda wayn ee ay  Wasaaradu u   leedahay Dalka iyo Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay:    In baahi loo qabo buuxinta jagadan hoos ku   xusan,

Markuu Ka Fiirsaday:    Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

Markuu ku Qancay:   In uu hanan karo xilka loo magacaabay,

Wuxuu go’aansaday

1. In Mudane, Abiib Diiriye Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee JSL.

2. In Mudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta ee JSL.

3. In Mudane, Axmed Saleebaan Dhuxul, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

4. In Mudane, Axmed Cali Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.

5. In Mudane, Khadar Cali Gaas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Telefishanka Qaranka madaxa bannaan ee Qaranka Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir (Nasir Naska)
Xog-hayaha Gaarka ah ee Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.” ayaa lagu yidhi qoraalka

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *