Hargeysa (ANN)- Wasiirka Wasaarada ganacsiga Somaliland Abiib Xasan Filfil ayaa daad ku  qaaday maanta gelinkii danbe isaga oo wata gaadhigiisa laagta biyo mareenka ee Xaafada Goljano oo ku taala magaalada Hargeysa.   Haseyeeshee dadka degan xaafada ayaa usoo gurmaday wasiirka oo kasoo dhexsaaray gaadhiga oo qalibmay.

 

 

Ma jiro khasaare soo gaadhay masuulkaa, balse gaadhigii uu watay ayaa daadku la tegey. Roobab maanta duhurkii ka bilaabmay oo dabayl watay ayaa keenay inay gaadiidku awoodi waayaan inay socdaan, waxaana wadooyinka laamiga buuxiyay dhagxaan uu daadka xooga badan ee Roobkaasi keenay, balse ilaa hada lama oga khasaaraha ka dhashay Roobkaa oo dayay dhawr saacadood.  Sidoo kale waxa dabaysha uu roobku watay wadoooyinka keentay dhir waaweyn oo dabayshu riday. Kadibna daadku soo qaaday, islas markaana waxa dumay  dhismayaal gidaaro oo qaarkood ku yaaliin dhinaca shacabka.

Wasiirka ganacsiga ee daadku qaaday isaga iyo gaadhigiisa ayaa noqonaya wasiirkii labaad ee ka tirsan xukuumada Rayaale ee daad qaado wax ka yar laba todobaad, iyadoo wasiir ku xigeenkii caddaalada Yuusuf Tallaabo uu todobaadkii hore daad ku qaaday isaga iyo gaadhigiisa godcaanood oo  u dhaxaysa Ceergaabo iyo Ceel-Afweyn, halkaa oo uu ku nafwaayay mid ka mid ah askarta ilaaladiisu.

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office  

E-mail; Info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *