Hargeysa (ANN)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa sheegay in mudadii uu ku jiray safarkiisii u danbeeyay ee uu ku tegey dalka Faransiiska culays lagu saaray inuu sii daayo dadka ku xidhan xabsiyada  Somaliland ee loo haysto kiisaska argagixisada. Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed kooban oo maanta kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.Warsaxaafadeedkaa oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Siciid Cadaani Mooge oo loo qaybiyay warbaahinta, wuxuu isagoo dhamaystiran u qornaa sidan;

 

 

“Socdaalkaygii ugu danbeeyey ee aan ku tagay qaaradda Europe waxaa culays la igu saaray in aan sii daayo dadka ku xukuman falalka argagixisanimadda ee hada ku jira jeelasha Somaliland.Waxaan aad ugu kalsoonahay uguna hanweynahay in cadaalada Somaliland ay tahay mid aan u nuglayn in faragelin dibadeed lagu sameeyo mana jiraan wax nagu khasbaaya in aanu jeelasha ka siidayno dadka ku kacay  danbiyada argagixisinimada lana xukumay, kuwaas oo isku dayey in ay u gaystaan Shacbiga Somaliland weeraro argagaxisinima ah”

Qoraalka warsaxaafadeedka oo ahaa mid kooban ayaan la fahmin ujeedadiisa iyo sababta xiligan oo ay shacbiga Somaliland isu diyaarinayaan doorashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa loogu beegay. Sidoo kale  laguma cadayn cida Madaxweyne Rayaale ku khasabtay in la sii daayo dadka uu sheegayo ee ku  xidhan xabsiyada Somaliland.

Madaxweyne  Rayaale ayaa ka hor qaraxyadii lala beegsaday Madaxtooyada Somaliland iyo laba goobood oo kale 29 Oct, 2009,waxa uu cafis u fidiyay qaar ka mid koox loo haystay falal argagixisao,  dilal iyo Afduub Somaliland ka dhacay sannadii u danbeeyay, isla markaana wuxuu mudadii ay ku xukunaayeen ka dhimay maxaabiis iyaguna xukuno kala duwan lagu xukumay oo ku jiray xabsiyada Somaliland. Laakiin markii ay dheceen qaraxyadii  29 Oct, 2009 ayaa qoraal sidan oo kale ah lagu sheegay in lagala noqday cafiskii loo fidyay kooxdaa  iyo xukunadii laga dhimayba, balse waqtigaa maxaabiistii loo fidiyay cafiska waxay haysteen xoriyadoodii.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office  

E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *