Hargeysa(ANN)- Xoghayihii Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA Muuse X. Maxamuud (Muuse Inji) ayaa loo magcaabay xoghayaha guud Xisbiga UCID, ka dib markii uu bilihii lasoo dhaafay is casilay xoghayihii xisbiga. Sidaana waxa  lagu sheegay qoraal kooban oo uu xibiga UCID  maanta soo saaray.

 

 

Masuulkan loo  magcaabay jagadaa oo ahaa xoghayihii ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa dhawr todobaad ka hor uu madaxweyne Rayaale u magcaabay la taliyaha dhinaca saxaafada ee madaxtooyada. Ka hor intii aanu Madaxweyne Rayaale u bixin safarkii uu dhowaan kaga soo laabtay dalka Faransiiska.

 Mr. Muuse X. Maxamuud wuxuu dhawrkii sanadood ee u danbeeyay ka tirsanaa saxaafada Somaliland, isagoo xil wasiirnimo kasoo qabtay xukuumadii Madaxweyne Cigaal, wuxuuna  markii ugu danbaysay ahaa wasiirka wasaarda war faafinta. Ka hor intii aanu Madaxweyne Cigaal ka qaadin xilkaa toban sannadood ka hor.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *