Hargeysa(ANN)Gudoomiyaha Siyaasadda Xisbiga UDUB Cali Maxamed Waran Cadde, ayaa  hadlay  wararka maalmihii u danbeeyay dhinaca warbaahinta qaarkood lagu shaaciyay ee  sheegayay  inuu ku hawlan yahay sidii loogu magcaabi lahaa wasiirka Arrimaha Gudaha oo  uu dhawaan

 

iska casilay Dr.Gaboose., mawqifkiisa la xidhiidha  arrimahaa iyo siyaasada xukuumadda Siilaanyo.
Mr. Warac Cadde oo ahaa wasiirkii Hawlaha guud ee xukuumaddi madaxweyne Rayaale ee lagaga guulaysatay doorashadii madaxtooyada Somaliland ee 26 Jun 2010,  isla markaana xiligan ah gudoomiyaha siyaasada ee xisbiga mucaaridka UDUB, wuxuuna  sheegay inaanay is qabanayn inuu murashax madaxweyne noqdo iyo inuu xil Wasiirnimo ka qabto Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.
“Anigoo runtii aad iyo aad u jecel inaan u shaqeeyo qarankayga, haddii aan xil hayo iyo haddii aanan xil hayninba ,arrintan la ii soo jeediyay ee la igu yidhi Wasiirka daakhiliga noqo markii ay suuqa u soo baxday ee aan isu miisaamay, waxaan u arkay jagada aan cadeeyay inaan u taagan nahay oo ah Murashax madaxweyne iyo Wasiirka Daakhiliga oo hawl aad iyo aad u adag ah. Cid kasta oo ila jeclayd inaan xilkaasi qabto waan u mahad calisaya oo waxaan leeyahay labadaasi hawlood laba hawlood oo is geli karaya ma aha. Saaxiibkay Muuse Biixi oo TV-ga ka hadlay oo sheegay inuu wax ila jecel yahay sidii uu Sheegayna aanu saaxiib nahay waxaan leeyahay labadaasi arrimood laba wax oo is qabanaya ma aha dalkana inaan khiyaameeyo maaha,”ayuu yidhi Cali Waran Cadde oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Huteelka Xamdi ee Magaalada Hargeysa.
“Waxaan doonayaa inaan ka midho dhaliyo Murashaxnimada oo aan isleeyahay Inshaalaahu haddii aad ku guulaysato wax ka badan Wasiir Daakhiliga ayaad ummadda u qaban kartaa,”ayuu yidhi Guddoomiyaha siyaasadda Xisbiga mucaaridka UDUB.
Waxa kaloo uu ka hadlay aragtidiisa xisbiga talada haya ee Kulmiye, isagoo yidhi,  “Xisbiga KULMIYE waa xisbigii naga qaaday Madaxtinimadii wixii ay codkii dadweynaha nagaga qaadeen baa ku jira, markaa waxaan filayaa in rag badani ku jiraan oo Xisbigu qani yahay, laakiin haddii la yidhaahdo cidi kuma jirto dee shacbigii doortay ayaan caayayaa haddii aan I dhaahdo meesha waxba ma yaalaan.”  Ayuu yidhi Mr. Waran Cadde.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *